4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 30, 2013
Golaha Salaaddiinta Soomaaliya oo Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Salaadiinta ka socday Dalka Uganda (SAWIRRO)


Khamiis, May 30, 2013 (HOL) — Golaha Salaaddiinta Soomaaliyeed ayaa ku soo dhaweeyay maanta magaalada Muqdisho, salaadiin ka socday Uganda, waxaana xalfadda soo dhaweynta wafdiga ay ka dhacday hoteelka Shaamow ee magaalada Muqdisho.

Salaaddiinta ka socday dalka Uganda ayaa waxaa hoggaaminayay Dr. Rashiid Koywa, waxaana kulankii ay la qaateen salaaddiint Soomaaliyeed looga hadlay xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Uganda iyo sidii ay salaaddiinta Soomaaliyeed iyo salaaddiinta Uganda ay u dhexmari lahayd wadashaqeyn buuxda; isla markaasna loo mideyn lahaa labada dhinac si loo helo bulsho wada-shaqeysa.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen ugaasyo, nabaddoonno, malaaqyo, indheer-garad, haween iyo qaybaha Soomaaliyeed waxaa hadallo kala duwan ka jeediyay guddoomiyaha golaha salaaddiinta Soomaaliyeed, Boqor Faarax Cabdi Guure, Dr. Rashiid, malaaq Showri, afhayeenka golaha salaaddiinta Soomaaliyeed, suldaan Cali Horseed, iyo xubno kale oo fara badan.

Dr. Rashiid Koywa oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in iskaashi iyo wada-shaqeyn buuxda ay dhexmari-doonto golayaasha salaaddiinta Soomaaliya iyo kuwa Uganda, wuxuuna intaasi ku daray inay shir ka dhacaya Uganda ay ku casuumayaan golaha salaaddiinta Soomaaliyeed, isagoo xusay in in reer galbeedku ay kala qaybiyeen dadka Afrika arrinkaasina looga gudbi karo oo keliya iskaashi la yeesho.

“Waa muhiim midnimo inaan muujinn…  isla markaasna aan fahanno danaha gaalada oo ah inay dadka Afrika kala qeybqeybiyaan… sida aad la socotaana Uganda dhiig ayay u hurtay shacabka Soomaaliyeed oo ciidammo ayay u soo dirtay Soomaaliya, ciidamadeennu way joogi doonaan Somalia xitaa haddii ay Qaramada Midoobay dhaqaalaha ka jarto,” ayuu yiri Dr. Rashiid.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha salaaddiinta Soomaaliyeed Boqor Faarax oo kulanka ka hadlay ayaa baaq-nabadeed u diray dhammaan Soomaalida isagoo ka dalbaday inay nabad ku dhameeyaan wax walba oo khilaaf ah oo soo dhexgala.

Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in si shuruud la’aan ah lagu joojiyo dhammaan dhiigga daadanaya, isagoo dhinaca kalena sheegay inay ku faraxsan yihiin in iskaashi ay la sameystaan golaha salaadiinta dalka Uganda, guddoomiyuhu wuxuu intaa ku daray inay ka shaqeyn doonaan mideynta iyo isku keenidda ummadda Soomaaliyeed, isla markaasna ay geed dheer iyo mid gaaban u fuuli doonaan sidii ay uga mira-dhalin lahaayeen nabad kusoo dabaalidda Soomaaliya.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya