4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 30, 2013
Xaaladda Wariye C/qaadir Jiijiile oo aad u wanaagsan Kadib Dhaawac xalay loogu geystay Magaalada Kismaayo (SAWIRRO)


Khamiis, May 30, 2013Waxaa kasoo reeyneeysa xaaladda caafimaad ee wariye C/qaadir C/risaaq Soofe (Jiijiile) kaasoo kooxo hubeeysan ay xalay dhaawac ugu geeysteen gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Wariye C/qaadir Jiijiile oo u shaqeyn Tv-ga Royal ayaa xalay ka badbaaday isku day dil  kadib markii kooxo hubeeysan ay soo weerareen xilli uu sii socday gurigiisa.

Wariyaha oo Shabakadda HOL uga waramay sida ay wax u gaareen ayaa sheegay in xabadda ay uga dhacday qoorta islamarkaana ay ka baxday daanka, wuxuuna sheegay in uu aad u wanaagsan.

“Laba nin oo sita qoryo AK-47 ayaa isoo weerartay, waxay doonayeen in ay i dilaan, aniga oo xaafadeeyda u socdo ayaan dareemay in ragani i daba socdaan kadib rasaas ayay igu fureen dhaawacan ayayna i gaarsiiyeen, lugaheeyga ayaana uga baxsaday,” ayuu yiri wariye C/qaadir Jiijiile oo aan ku booqday.

Ilaa imika lama garanayo cidda rasmiga ah eek a danbeeysay weerarka haseyeeshee ciidamada ammaanka magaalada Kismaayo oo xalay howlgal ka sameeyay goobtii uu weerarka ka dhacay ayaa gacanta ku dhigay ruux looga shakisanyahay in uu ka tirsanaa kooxihii weerarka fuliyay.

Dhaawaca loo geeystay wariyaha ayaa waxa si kulul u cambaareeyay wariyeyaasha ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Waa weerarkii ugu horeeyay oo gudaha magaalada Kismaayo loogu geeysto wariye madax bannaan tan iyo wixii ka danbeeyay markii ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo AMISOM ay magaalada Kismayao kala wareegeen xarakada Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya