4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 30, 2013
Dagaalyahannada Al-shabaab oo Weerar Kaddis ah ku Qaaday Fariisimo ay Ciidamada Dowladdu ku leeyihiin Ceel-barde


Khamiis, May 30, 2013 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa xalay weerar kedis ku qaaday fariisan ay ciidamada dowladda ku lahaayeen degmada Ceel-barde ee gobolka Bakool, waana degmada keliya ee ciidamada dowaldda ay kaga sugan yihiin gobolka Bakool.

Khasaaraha ka dhashay dagaalkii xaley ayaan weli la ogeyn, iyadoo qadka isgaarsiinta uu xun yahay, mana jiraan gaadiid ka yimid degmadaas, mana jiraan wax hadal ah oo ay saraakiisha dowladdu ka bixiyeen weerarkaas.

Degmada Ceel-barde ayaa waxaa fariisin ku leh ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya; waxayna ku taallaa soohdinta ay wadagaaan dalalka Somalia iyo Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya iyo ciidamada dowladda ayaa horay waxay ugu baxeen degmada Xudur ee xarunt gobolka Bakool, iyagoo aaday degmada Ceel-barde oo ay fariisan wayn ka dhigteen, taasoo dhawaanahan ay Al-shabaab ku hayso weerarro joogto ah. Toddobaadkan gudihiisa waa markii labaad oo la weeraro degmada Ceel-barde.

Degmada Ceel-barde waxaa ku sugan qaxooti ka cararay degmada Xudur oo tiradooodu gaarayso ku dhawaad 3,000 oo qof , kuwaasoo xaalado dhinaca nolosha ah ay haysato, waxaana taas ugu darmay cabsi ay ka qabaan in Al-shabaab ay degmadaas gudaha u gasho.

Hiiraan Online, Baydhabo