4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 30, 2013
Dalka Imaaraadka Carabta oo Xayiraadii Fiisaha ka qaaday Muwaadiniinta u dhashay dalka Kanada ee u safra Dalkaas


Khamiis, May 30, 2013 (HOL) — Muwaadiniinta u dhashay dalka ee wata baasaboorka dalka Kanada ayaa laga qaaday xayiraaddii dhinaca fiisaha ahaa ee ay horay ugu soo rogtay dowladda Imaaraadka Carabta, kaddib heshiis dhexmaray labada dal.

Arrintan ayaa waxay meesha ka saaraysa in dadka u dhashay dalka Kanada oo dalban jiray baasaboorrada aysan wixii ka dambeeya 01-da bisha Juun ee soo socota dalban doonin fiiso, ayna ka qaadan doonaan fiisayaashooda marka ay tagaan garoommada diyaaradha ee dalkaas.

Xayiraadda lagu soo rogay dadka Kanadiyanka ah ee u safraya Imaaraadka Carabta ayaa soo billaabatay sannadkii 2010, kaddib markii uu xumaaday xiriirka dublamaasiyadeed ee labada dal.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kanada, John Baird iyo danjiraha dalka Imaaraadka u jooga dalka Kanada ayaa kala saxiixday heshiiskan, taasoo lagu joojinayo in muwaadiniinta Kanada ay sii dalbadaan fiisayaasha ay ku galayaan dalkaas inta aysan safarkooda billaabin.

Danjiraha Imaaraadka Carabta ee Kanada ayaa sheegay in tani ay qayb ka tahay soo celinta xiriirka dublamaasiyadeed ee labada dal u dhexeeyay, kaas oo xumaaday sannado ka hor.

“Heshiiskan wuxuu dhaqangalayaa maalinta Sabtida (June 1, 2013), waana tallaabo horumar leh oo labada dal ay ku xoojinayaan xiriirkooda arrimaha dibadda,” ayuu yiri Baird.

Dalka Kanada ayaa waxaa ku nool muwaadiniin badan oo Soomaali iyo ajnabi kale ah, kuwaasoo safarro ku taga dalka Imaaraadka Carabta oo ka mid ah dalalka ku yaalla khaliijka Carabta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya