4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 30, 2013
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dabkii suuqa degmada Beled-xaawo iyo Dowladda Federaalka oo aad loo dhaliilay


Khamiis, May 30, 2013- Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dab khasaare geestay habeen hore ka kacay suuqa weyn ee degmada BeledXaawo, gobalka Gedo.  Dabka waxa uu ka kacay goob shiidaalka lagu koombeeyo islamarkiina uu sameeyay suuqa-bacadlaha iyadoo dhamaan suuqaasi inta badan uu basbeelay.

Mudane Liibaan Aadan Bule Ergal oo ah madaxa ururka Gedo DIASPORA Intellectuals (GDI) oo xiriir la sameeyay odayaasha dhaqanka degmadda BeladXaawo ayaa u sheegay Warbaahinta in dabka uu ahaa mid xoogan islamarkaana uu baabi’yay hanti badan, hadal u jeediyey xubnaha GDI maanta ayaa uu ku dhaliilay dowladda Federalka inay ka gaabisay dhamaan baahida ka jirta G. Gedo, ayadoo ayuu yiri ay dowladu sheegato ama ku faanto inay ayadu gacanta ku heyso G. Gedo.

Mr. Bule ayaa hadalkiisii waxa uu raaciyay, “Ma’aha markii ugu horeysa, Gedo waxaa horay uga dhacay dab qasaarooyin geystay meelo kala duwan, roobab waxyeelo geystay, abaaro, cudurada faafa,  dagaalo, dhibaatooyin kale oo baahsan, waxbarasho la’aan, xarumo-Caafimaad la’aan, Marwalba Dowladda Federalka, waa ay ka waji-qarsataa, waanu ku dhaliilaynaa taa.”

Sidoo kale Liibaan Bule ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday inay dadkaasi ay wax uqabato maadaama suuqa hanti badan ay ku gubatay, Muhiimada koowaad waa in Dowladda Federalka tababaro usameyso Ciidamadda Booliiska iyo kuwa Dab-demiska ee G. Gedo iyo dhamaan Gobolada kale, siiba kuwa ay baahida ka jirto.

Suuqa dabka uu ka kacay ayaa waxaa halkaasi ku basbeelay raxan dukaamo ah, kuwaasi oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed.

 Maxamuud Cartan, (Maxamuud Yare)
GDI Press
[email protected]
Columbus, Ohio