4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 30, 2013
Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka oo qirtay iyo diyaarad nooca aan Duuliyaha lahayn ah ay kaga dhacday Somalia


Khamiis, May 30, 2013 (HOL) — Wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon ayaa xaqiijisay in diyaarad kuwa wax basaasa ah oo aan duuliye lahayn ay kaga dhacday Koonfurta Soomaaliya, gaar ahana deegaan ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

Saraakiisha Mareykanka ayaa diiday in diyaaraddaas la riday, balse waxay sheegeen inay cillad lasoo daristay awgeed u dhacday, waxaana burburka diyaaraddaas gacanta ku haya xoogagga Al-shabaaba ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Al-shabaab ayaa sheegatay inay diyaaraddaas oo rideen. “Diyaaraddan ma dhici doonto in mar dambe ay basaasto muslimiinta. Waayo waa la soo riday dhulka ayayna ku kala daadatay,” ayaa lagu sheegay warbixintay Tiwitter-ka ay soo dhigtay Al-shabaab.

Milateriga Marekanka ayaa sheegay in diyaaraddan ay ku duulaysay jawi aad u fog, sidaa daraadeedna aysan suurogal noqon karin in lasoo rido ama lala helo gantaal dhulka laga tuuray.

“Diyaaraddu waxay ku jirtay howlgal ay xogo kaga ururinayso Soomaaliya 27-kii May, diyaaraddu si lama filaan ah ay ku dhacday, iyadoo duulaysay deegaan Koonfur kaga beegan Muqdisho,“ ayuu yiri afhayeenka difaaca Mareykanka.

Afhayeenku wuxuu sheegay inay baaritaan ku wadaan sababta keentay inay diyaaraddu dhacdo. Iyadoo la ogyahay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay kasoo duulaan saldhig ay ku leeyihiin Jabuuti ayna baaris dhinaca hawada ah ka sameeyaan Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir maxamed Nuur (Siidii) oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in Al-shababa ay toogasho kusoo ridday diyaaradda, xilli ay dul maraysay deegaanka Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellada hoose.

Si kasta oo ay tahay, madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa dhawaan sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno (Drones) ay beegsan doonaan dagaalyahannada Al-qaacida ka tirsan ee ku sugan Soomaaliya, Yemen iyo Bakistaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya