4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 30, 2013
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo beeniyay in reer Hiiraan ay kala laabteen Kalsoonida Dowladda Federaalka Somalia


Khamiis, May 30, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cabdi Faarax Laqanyo oo la hadlay HOL ayaa beeniyay in go’aankii shalay ay beesha Xawaadle ku sheegtay inay kala laabtay kalsoonida dowladda Soomaaliya uu ahaa mid aysan beeshu u dhameyn.

Laqanyo oo ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in go’aankaas ay qaateen qayb yar oo aan matelin beesha Xawaadle, isagoo intaas ku daray in tani ay tahay mid lagu carqaladeynayo horumarka uu gobolku gaaray.

“Intii aan maamulka hayay gobolku horumar ayuu ku tallaabsatay, kuwaasoo ay ka mid yihiin, ammaanka iyo ganacsiga oo soo laabanaya, mana ahan in waqtigan uu gobolku dib ugu laabto dhibaatadii uu soo maray,” ayuu ku yiri Laqanyo wareysiga uu siiyay HOL.

Mar HOL ay weydiisay guddoomiyaha gobolka Hiiraan sababaha keenay in dadkaas ay caroodaan oo shir Baladweyne ku qabtaan ayuu kaga jawaabay: “Dadkaas waxay ka caroodeen lab xubnood oo uu soo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, waanan iska aragnay magacaabista, waana isku af-garaneynay arrintaas.”

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Hiiraan wuxu sheegay inay been abuur yihiin wararka sheegaya in wasiirka arrimaha gudaha uu u soo magacabayo gobolka sagaal xubnood oo kale, isagoo xusay in wasiirka uusan gobolkan u soo magacaabayn wax uusan kala tashan maamulka.

“Mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan loosoo magacaabay waa kuwo maamulka iyo wasiirka arrimaha gudaha ay iska arkeen oo isla og-yihiin, balse ma jiraan wax uu isagu dibadda uga keenayo gobolka,” ayuu Laqanyo hadalkiisa ku daray.

Go’aankii kasoo baxay shirkii shalay ayaa wuxuu aad uga careysiiyay jaaliyadaha reer Hiiraan ee caalamka ku firirsan, gaar ahaan jaaliyadda ku sugan Waqooyiga Ameerka, kuwaasoo taageero xooggan u muujiyay dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku sheegay dadka shirarka qabanaya kuwo tiro yar oo aan metelin reer Hiiraan oo dhan.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa wuxuu sheegay inay wadaan qorshe ay ku doonayaan in shacabku ay ku soo doortaan maamulkooda, sidoo kalena ay qorsheynayaa n in Al-shabaab ay ka saaraan meelaha ay gobolka Hiiraan kaga sugan yihiin.

Magaalada Baladweyne ayaa waxaa shalay ka dhacay shir lagu shaaciyay in beesha Xawaadle ay kalsoonida kala laabatay dowladda Soomaaliiya, iyagoo diidanaa xubno uu wasiirka arrimaha guduhu u magacaabay gobolkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya