4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 29, 2013
Mudane ka tirsan golaha deegaanka Magaalada Hargeysa oo lagu eedeeyay inuu xalay toogtay nin Dhallinyaro ah

Arbaco, May 29, 2013 (HOL) — Xildhibaan ka mid ah xildhibaanadad golaha deegaanka Hargeysa, ayaa la sheegay inuu xalay magaaladda Hargeysa ku toogtay nin shacab, kaas oo markiiba halkii ku geeriyooday.

xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir ayaa toogtay muwaadin magciisa la odhan jiray  Cabdirashiid Aadan Warsame oo ay isku xaafad yihiiin, isla markaana la sheegay inay saaxiib ahaayeeen .

illaa hadda lama garanayo sababta uu u toogtay iyo inay  ka qarxaday xabaddu, haseyeshee waxa uu markiiba ninkii dilka geystay isku dhiibay ciidanka Amaanka, waxaana hadda la baadhayaa sababta dilkaasi u dhacay.

Alla ha u naxariistee marxuumkan dhintay ayaa la sheegay inay isku xaafad ahaayeen marxuumka iyo ninka dilka geystay.

Si kastaba ha ahaatee, ninka dilka gaystay ayaa ka mid ahaa 25 xildhibaan ee golaha deegaanka Hargeysa ee cusub, haseyeeshee waxa la baadhaayaa qaabka uu dilku u dhacay, isla markaana  waxa gacanta gacan ku dhiiglaha ciidanka amaanka Somaliland.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland