4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 29, 2013
Xukuumadda oo Baarlamaanka u gudbisay hidisayaal uu ka mid ahaa habka sameynta Maamul Goboleedyada dalka

Arbaco, May 29, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta u gudbisay golaha baarlamaanka Soomaalia, hidsayaal sharciyeedyo ku saabsan, habka dhismaha maamul goboleedyada, la dagaalanka argagaxisada iyo xuduudaha.

Kulanka maanta uu shir-guddoominayay ku xigeenka labaad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya, Jeylaani Nuur Iikar ayaa warbixin ku saabsan qodobbadan looga dhageystay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed.

Wasiirka ayaa ku billaabay warbixintiisa faah-faahinta hindisaha maamullada gobollada iyo guddiga sameynta xaduudaha, isagoo sharrxaadka ka bixiyay qodobbada ugu muhiimsan hindisayaashaas.

“Maamul goboleed waxaa noqon kara laba gobol iyo wixii ka badan, waana in gobolladaas ay yihiin kuwo ay dad badan ku nool yihiin, hadana ay isku waafaqsan yihiin inay sameystaan maamul goboleed,” ayuu wasiirku ku yiri warbixintii uu kaga hadlayay habka sameynta maamul goboleedyada.

Sidoo kale, wasiirka ayaa si qoto-dheer u sharraxay hindise sharciyeedka la-dagaalanka argagixasada isagoo xusay in baarlamaanka uu ka codsanayo in ay fududeeyaan ansixinta hidisahan maadaama waajib kawada saran yahay amniga Qaranka.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay dhowrka hindise ee wasiirka arrimaha dibadda uu u akhriyay xildhibaanada, iyadoo wasiirka la waydiiyay inuu caddeeyo sida uu hindisaha ku saabsan maamul goboleedyada dalka uu u saameynayo maamullada hadda dhisan, wuxuuna kaga jawaabay in dalka oo dhan lagu maamulayo hindisahan.

Intii uu kulanku socday ayaa waxaa lagu dhaariyay xildhibaan cusub oo lagu magacaabo, C/weli Maxamed Qanyare Afrax oo bedelay Abbihii Maxamed Qanyare Afrax oo istiqaalad uu xilka uga tagayo u gudbiyay guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, guddoomiye ku xigeenka labaad ee barlamaanka ayaa xusay in hindisayaasha uu wasiirka akhriyay lagu wareego guddiga arrimaha gudaha ee baarlamaanka Soomaaliya ayna indho-indheyn kusoo sameeyaan muddo toddobaad ah, kaddibna ay dib ugu soo celiyaan baarlamanaka si go’aan looga gaaro.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya