4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 29, 2013
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “Kalsooni Weyn ayaan ku Qabaa in Kooxda Al-shabaab laga cirib-tiro Soomaaliya oo dhan”

Arbaco, May 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in kooxda Al-shabaab oo dagaal kula jirta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa taageera ee AMISOM.

Somali president
Soomaaliya ayaa xilligan wadda qorshayaal ay ku doonayso inay kaga baxdo colaado iyo dhibaatooyin soo taagnaa muddo 22-sano, iyadoo dowladda jirta ay isku dayayso inay dib u soo nooleyso dhaqaalaha dalka.

“Xukuumadda waxay ku howlan tahay dib u soo celinta dhaqaalaha si loogu abuuro shaqooyin dhallinyarada Soomaaliyeed, taasoo hoos u dhigaysa inay ku biiraan xoogagga Al-shabaab,” ayuu ku yiri madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh wareysi uu siiyay wakaaladda wararka Japan ee KYODO.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in xukuumaddu ay darsayso waxyaabihii sababay dagaallada, faqriga, fursad la’aanta haysata dhallinta Soomaaliyeed, rajo la’aanta ku habsatay shacabka iyo in dadku ay u qaybsanaan beelo-beelo.

“Dowladda Somalia oo kaashanaysa beesha caalamka ayaa qorsheynaysa in ay dib u dhiso ciidamadeeda xoogga dalka iyo inay besho wacyiga shacabka. Dowladduna waxay mar hore ku dhawaaqday inay dagaalyahannada aan u dhalan Soomaaliya (Ajnabiga ah) ee la safan Al-shabaab inay dalka isaga baxaan, kuwa Soomaalidana ah waxaan qorsheynaynaa inaan dhaqan-celin u sameyno,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynuhu wuxuu wareysiga ku sheegay in Soomaaliya ay ku wayday dagaalladii sokeeye waxba walba, balse ay billaabeen sidii ay meel hoose uga soo billaabi lahaayeen, isagoo intaas ku daray in Soomaaliya ay u kala jajabtay qaybo yar-yar sida Somaliland, Puntland iyo Jubbaland.

“Wadahadallo dib loogu mideynayo qaybahaas ayaa socda,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo hadalkisa ku daray: “Waxaan adeegsanaynaa wadahadallo aan dib ugu soo celinayno Soomaaliya. Shaqsiyan waxaan booqday Puntland, haddana waxaan Kismaayo ka furaynaa wadahadallo aan la yeelanayno dadka Jubbooyinka kasoo jeeda.”

Toddobaadkan waxaa dalka Japan lagu qabanayaan shir looga hadlayo dib u dhiska Soomaaliya oo barbar socda shirka horumarinta Afrika ee (TICAD) loo yaqaan, kasoo Sabtida soo socota ka furmaya magaalada Yokohama isagoo socon doona saddex maalmood.

“Waxaan doonaynaa in dowladda Japan ay naga saaciddo arrimo ay ka mid yihiin tababarka dhinaca tiknolojiyadda iyo qalabka isgaarsiinta,” ayuu ku yiri Xasan Sheekh wareysiga uu siiyay wakaaladda wararka Japan.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed 60% ay yihiin dad aan aqoon lahayn, gaar ahaan dhallinyarada, isagoo xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay garab-qabashada caalamka, lagana saacido kalluumeysiga, beeraha, wax-soo-saarka dhinaca cunnada iyo isgaarsiinta.

“Arrimahan oo dhan waa kuwa aan doonayno inay dowladda iyo shacabka Japan naga kaalmeeyaan, si Soomaaliya ay u noqoto dowlad la mid ah kuwa caalamka ka jira,” ayuu hadalkiisa kusoo gabgabeeyay.

Madaxweynaha Somalia ayaa wareysigan bixiyay intii uu ku sugnaa xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa oo uu kaga qaybgalay shirkii Midowga Afrika, wuxuuna maanta oo Arbaco ah u dhoofay dalka Japan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya