4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 29, 2013
Beesha Xawaadle oo Kulan ka Dhacay Magaalada Baladweyne ku shaacisay inay Qaadacday Dowladda Soomaaliya (SAWIRRO)


Arbaco, May 29, 2013 (HOL) — Kulan xasaasi ah oo maanta ay ku yeesheen magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, siyaasiyiinta, aqoonyahannada, saraakiisha ciidamada, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa laga sheegay in beesha kalsoonidii kala noqtay dowladda federaalka Soomaaliya, iyaga oo eedeyn balaaran u jeediyay wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya C/kariiin Xusseen Guuleed.

Kulanka oo gabagabadiisii laga  soo saaray bayaan loo qebiyay warbaahinta ayaa u dhignaa sidan:

1. In habka iyo qaab dhismeedka loo soo magacaabay maamulka gobollka Hiiraan uu yahay mid ku dhisan cadaalad darro, colaad abuur iyo kala fogaasho ku yimid dowladda federaalka iyo beesha Xawaadle, tusaalle ahaan in beesha laga siiyay 2 xubnood 18 xubnood oo loo soo magacaabay maamulka gobollka Hiiraan.

2. In ciidamada beesha oo u soo taaagnaa mudo dheer difaaca gobollka Hiiraan iyo ka xoreynta kooxaha nabad-diidka ah oo in badan oo ka mid ah naftooda ku waayeen, halka tiro kalana ay ku cuuryaameen, ilaa waqtiganna u taagan in ay ka shaqeeyaan amniga iyo nabad-galyada gobollka, iyaga oo gacan siinaya ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM, aysan ka hellin dowladda xuquuqdii ay ku laheyd, iyadoo ciidamada gobollada kale ee dalka dhowr jeer loo qeybiyay mishaar.

3. In mas'uuliyiinta ka socday dowladda federaalka Soomaaliya ee dhowr jeer oo hore soo booqatay magaalada Baladweyne odayaasha iyo aqoonyahannada beesha siiyeen talooyin ku aadan qaab dhismeedka maamulka gobolka, laakiin mas'uuliyiinta sare ee dowladda ku gacan seyreen arintaa iyada ah, taasoo muujineysa in aysan wax dan ah ka laheyn gobollka Hiiraan.

Sidaa daraadeed markii aan aragnay tacadiyada dowladda federaalka gaar ahaan wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka uu ka wado gobollka Hiiraan, waxaan go'aansanay qodobada soo socda :

1. In Beesha Xawaadlle laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 29/5/2013 kalsoonidii kala noqtay dowladda federaalka Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Xassan Sheekh Max'uud.

2. beesha Xawaalle fidisay gogol lagu dhisayo maamul gobol oo cadaalad ku dhisan, ayna ka soo qeyb-gallayaan dhamaan beellaha ku dhaqan gobolka.

3. In mudanayaasha ama xildhibaannada baarlamaanka ee ka soo jeeda beesha mudo 7-10 cisho ah ku soo gallaan magaalada Baladweyne, si looga arinsado maamul cusub loo dhisayo gobollka Hiiraan.

4. In laga bilaabo maanta ciidamada la dayacay ee ka tirsanaa dowladda iyo hubkoodaba shaqo ku laheyn dowladda, wixii xiligan ka danbeeyana yihiin ciidamo beelleed si toos ah u hoos imanaya beesha oo daryeelkooda iyo mishaar siintoodaba ku fillan.

5. Iyo ugu danbeytii in dhaqaallaha laga qaado dhamaan deegaannada ay degan tahay beesha lagu soo wareejin doono guddi dhaqaalle oo arintaa loo saaray, halkii markii hore ay ku xaroon jirtay Qasnada maamulka dowladda ee gobolka Hiiraan, si loogu daryeello ciidamada.

Odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, waxgaradka, aqooyahannada iyo saraakiisha ciidamada kulanka ka qeyb-gallay, ayaa sheegay in arintan ay la socod siinayaan ogeysiisna ka siin doonaan isla maanta saraakiisha ciidamada Jabuuti ee AMISOM iyo kuwa Itoobiya, iyaga oo ku war-gallinaya in laga bilaabo maanta ciidamada beesha aysan dowladda federaalka ka mid aheyn.

Nabadoon Max'ed Cabdi Raaxooy oo ka hadllay kulanka ayaa arin nasiib darro ah ku tilmaamay in wasiirrka arrimaha gudaha uu dhagaha ka fureystay tallooyin faro badan oo sida uu hadalka u dhigay u jeediyeen waxgaradka, odayaasha iyo siyaasiyiinta beesha, isaga oo taan ka doorbiday ayuu sheegay in uu dhibaato ka dhax abuuro beellaha wada dega gobolka Hiiraan.

Nabaddoon Faarax Cabdi Waare oo isagana sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ku dhisan tahay dastuur, sidaa daraadeed iyaga oo taa taxi-raacaya dhawaan fidin doonaan gogol lagu dhisayo maamul gobolleed cadaalad ku dhisan.

''Dowladda iyada ayaa ku tumatay sharciga, dastuurka,mana aqbaleyno in dhibaato iyo colaad gobolka laga abuuro, annaga oo odayaashii dhaqanka gobollka ah ayaa arintaa u taagan in aan ka hor tagno, fariintan waxaa toos ugu dubineynaa madaxda sare ee dowladda, waxaan leenahay beeshu waa ay tashatay, sidaa daraadeed dowlad aan aqoonsannahay ma jirto,'' ayuu yiri Faarax Cabdi Waare.

Dhiacyadii ka qeyb-gallay kulanka dhamaantood oo ay HOL la hadashay waxaa ay sheeegeen in arintan ay mudo dheer ka fikirayeen, laakiin ugu danbeytii qaateen go'aankan kadib markii ogaadeen waxa ka dhalan kara sida wasaarrada arrimaha gudaha u maareysay dhismaha maamulka gobolka.

Dhinaca kale, xildhibaan Max'ed Xassan Ibraahim Qoono oo intii uu kulanka socday la soo xiriiray HOL waxaa uu sheegay in uu ku raacsan yahay odayaasha dhaqanka beesha go'aanka ay ka qaateen dowladda federaalka Soomaaliya.




C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya