4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 29, 2013
Hay’adda Human Rights Watch oo Ciidanka Kenya ku eedeysay inay tacdiyo u geysteen Soomaalida ku nool Nairobi

Arbaco, May 29, 2013 (HOL) — Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay maanta soo saartay ku sheegtay in ciidanka Kenya ay tacdiyo isugu jira kufsi, jirdil iyo xarig aan xad lahayn ay kula kaceen 1,000 ruux oo qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi  ee xarunta dalka Kenya intii u dhexeysay bilaha November 2012 illaa Jannaayo 2013.

HRW ayaa ugu baaqday xukuumadda Kenya inay baaritaanno ku sameysay dhibaatooyinkaas lagula kacay qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalkeeda, iyadoo hay’adda qoxootiga adduunka lagu eedeeyay inaysan weli ka hadlin taciyada lagula kacayo qoxootiga.

Warbixintan oo ka kooban 68-bog ayaa cinwaan looga dhigay “Dhammaantiin waxaa tihiin argagaxiso”, iyadoo ha’yaddu sheegtay in warbixinteeda ay ku fadhido wareysiyo ay la yeelatay 101 qof oo ka mid ah qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Nairobi.

“Qoxootigu waxay inoo sheegeen in kumannaan ka tirsan booliiska Kenya ay dhibaatooyin isugu jira kufsi, jidil iyo tacdiyo kale u geysteen,” ayuu yiri Gerry Simpson oo ka mid ah baarayaasha hay’adda Human Rights Watch. Isagoo intaas ku daray: “Ciidamadu waxay guryahooda ku weerareen ragga, haweenka iyo caruurta.”

Hay’addu waxay sheetay in tacadiyadan loo geystay qoxootiga Soomaalida iyo Itoobiyaanka isugu jira ee sannadaha badan ku noolaa xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, iyadoo lagu eedeeyay inay mas’uul ka yihiin qarax lagu weeraray gaari bas bishii November ee sannadkii hore kaasoo toddoba qof ay ku naf-waayeen 30-kalena ay ku dhaawacmeen.

“Sharciyada caalamka ah ee qoxootiga waxay weydiisanayaan dowladda Kenya inay xaqiijiso in ciidamadeeda aysan dhibatooyin u geysan dadka qoxootiga ah iyo kuwa magan-galyo doonka ah ee dalkeeda ku nool,” ayuu mar kale yiri Simpson.

Dhanka kale, hay’addu waxay sheegtay in ciidamada Kenya ay ku qasbaan qoxootiga dalkeeda ku nool inay siiyaan lacag laaluush oo gaaraysa qofkiiba 100-doollar oo lacagta Mareykanka ah.

Haweeney Soomaaliyeed oo ku nool xaafadda Islii ee Nairobi oo Faadumo ku soo koobtay magaceeda ayaa sheegtay in saddex ka mid ah ciidamada Kenya ay kufsadeen iyadoo ay caruurteedu arkayaan, iyadoo sheegtay inay dhibaatooyin aad u fool xun u geysteen.

Sidoo kale, haweeney kale oo Soomaali ah oo magaceeda qarisay ayaa iyadoo ilmeynaysa sheegtay in ciidamada Kenya ay kufsadeen gabadheeda oo 10-sano jir ah, dhibaato aad u xoogganna ay u geysteen.

Ugu dambeyn, hay’adda Human Rights Watch ayaa warbixinteedan kusoo gabgabeysay in dowladda Kenya ay ka hortagto falalka guracan ee ay kula kacayaan ciidamadeeda qoxootiga dalkeeda u soo haajiray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya