4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 29, 2013
Kooxo Hubeysan oo deegaanka Suuq Bacaad ku dilay Guddoomiye ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir

Arbaco, May 29, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan oo aan la garanayn ayaa ku dilay maanta xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid guddoomiye waaxeed ka tirsan degmadaas, sida uu saxaafadda u sheegay guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, Muxyadiin Xasan Jurrus.

Guddoomiye waaxeedka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray, C/llaahi Xuseen Barre, iyadoo rasaastii lagu dilay uuu dhaawac kasoo gaaray ganacsade lagu magacaabo, Calas C/raxmaan oo ka mid ah gacansatada gobolka Banaadir.

“Dabley ayaa toogtay guddoomiye waaxeedka wayna baxasdeen. Waxaana ku eedeynaynaa dilkan Al-shabaab,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, Muxyadiin Jurrus oo la hadlay warbaahinta.

Goobjoogayaal ku sugan suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee Muqdisho ugu weyn ayaa sheegay in kooxaha dilka geystay ay ahaayeen saddex qof oo ku hubeysan bastoolado, markii ay dilka geysteenna goobta ka baxsaday.

Dilkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay howgallo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka wadaan Muqdisho, kuwaasoo ay ku baadi-goobayaan kooxo ka tirsan Al-shabaab oo ay sheegeen inay falal ammaan-darro ka wadaan Muqdisho.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa goobtaas ka sameeyay howgallo ay ku raadinayaan kooxihii dilka geystay, balse ma jirto cid ay u qabteen dilkan, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo kooxo hubeysan ay ku dilaan suuqaas mas’uul ka tirsan degmada Yaaqshiid.

Ma jirto koox sheegatay inay dilkaas ka dambeysay, balse Al-shabaab oo ah koox dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay inay ka fulin karaan Muqdisho oo ay dowladdu ka taliso howlgalkii ay u baahdaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya