3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 29, 2013
Dagaal u Dhexeeya Ciidamada Dowladda, AMISOM iyo Al-shabaab oo xalay ka dhacay Baydhabo iyo Duleedkeeda

Arbaco, May 29, 2013 (HOL) — Dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM iyo Al-shabaab ayaa xalay siyaabo kala duwan uga dhacay degmada Baydhabo iyo deegaanka Goof-guduud oo ku yaalla duleedka Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay xalay weerar kusoo qaadeen saldhigyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa caawinaya kaga sugnaayeen deegaankaas oo 25-KM dhinca galbeed kaga beegan Muqdisho.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaan si dhab ah loo ogeyn, maadaama ay isgaarsiintu tahay mid aad u xun, waxaana la sheegay in waddaaas ay tahay maanta mid xiran oo aanay gaadiidku isticmaalayn.

Deegaanka Goof-guduud ayaa waxaa saldhigyo ku leh cidiamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxayna ku taallaa jidka aada degmada Diinsoor ee gobolka Bay oo ay ka taliso Al-shabaab, iyadoo deegaankaas ay horay ugu sugnaan jireen ciidamada Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya waxay dhawaan ka baxdey deegaannada: Goof-guduud, Awdiinle iyo garoonka diyaaradaha Baydhabo, waxaana ciidamada Itoobiya ay ciidammo fara badan weli ka joogaan weli joogaan degmooyinka Qansax-dheere iyo Berdaale oo ka tirsan gobolka Bay.

Xarakada Al-shabaab ayaa waxay habeen walba weerarro ku qaadaan fariisamaha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay kaga sugan yihiin gobolka Bay.

Dagaalladaas ayaa ah kuwo ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaq ah; iyadoo habeenkii xalay magaalada Baydhabo saqdii dhexe ay Alshabaab soo weerartay goob koobtarool ah, taasoo rasaas la isweydaarsanayay aysan jirin khasaar ka dhashay.

Hiiraan Online, Baydhabo













Click here
5/29/2013 4:07 PM EST
Arbaco, May 29, 2013 (HOL) — Xildhibaan ka mid ah xildhibaanadad golaha deegaanka Hargeysa, ayaa la sheegay inuu xalay magaaladda Hargeysa ku toogtay nin shacab, kaas oo markiiba halkii ku geeriyooday.

5/29/2013 4:00 PM EST
Arbaco, May 29, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta u gudbisay golaha baarlamaanka Soomaalia, hidsayaal sharciyeedyo ku saabsan, habka dhismaha maamul goboleedyada, la dagaalanka argagaxisada iyo xuduudaha.

5/29/2013 11:08 AM EST
Arbaco, May 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in kooxda Al-shabaab oo dagaal kula jirta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa taageera ee AMISOM.

5/29/2013 10:56 AM EST
Arbaco, May 29, 2013 (HOL) — Kulan xasaasi ah oo maanta ay ku yeesheen magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, siyaasiyiinta, aqoonyahannada, saraakiisha ciidamada, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa laga sheegay in beesha kalsoonidii kala noqtay dowladda federaalka Soomaaliya, iyaga oo eedeyn balaaran u jeediyay wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya C/kariiin Xusseen Guuleed.

5/29/2013 8:28 AM EST
Arbaco, May 29, 2013 (HOL) — Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay maanta soo saartay ku sheegtay in ciidanka Kenya ay tacdiyo isugu jira kufsi, jirdil iyo xarig aan xad lahayn ay kula kaceen 1,000 ruux oo qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya intii u dhexeysay bilaha November 2012 illaa Jannaayo 2013.

5/29/2013 7:56 AM EST
Arbaco, May 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay dalka Jabaan halkaasoo uu kaga qaybgalayo shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya iyo shir looga hadlayo horumarinta Qaaradda Afrika.

5/29/2013 7:34 AM EST
Arbaco, May 29, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan oo aan la garanayn ayaa ku dilay maanta xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid guddoomiye waaxeed ka tirsan degmadaas, sida uu saxaafadda u sheegay guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, Muxyadiin Xasan Jurrus.

5/29/2013 7:30 AM EST
Arbaco, May 29, 2013(HOL) :- Wafdigii ka socday dowladda Soomaaliya ee maalmihii u danbeeyay ku sugnaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa maanta gudaha usoo galay magaalada, iyadoona wafdiga ay dageen Hotel Cascaseey oo ay hore ugu sugnaayeen xubno ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

5/29/2013 7:04 AM EST
Arbaco, May 29, 2013(HOL):Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa lagu qabtay shirweynaha suxufiyiinta Bariga Afrika halkaas oo ay isugu yimaadeen 11-ka dal ee la isku yiraahdo Bariga Afrika.

5/29/2013 6:55 AM EST
Arbaco, May 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Kenya ayaa walaac xooggan ka muujiyay dilalka ay Al-shabaab ka geysanayso gudaha dalkiisa ugu geysanayana dadka Kenyanka ah, isagoo sheegay in dowladdiisu ay qaadi doonto taallaabooyin ay dadkeeda ku difaacayso.

5/29/2013 6:08 AM EST
Arbaco, May 29, 2013 (HOL) — Dhab ahaan looma oga waqtiga rasmiga ah ee la dhisay ama dhidibada loo taagay Masjidul-Jaamacada magaalada Baladweyne, laakiiin waxaa leysku raacsan yahay in uu dhisan yahay in ka badan 107 sano, sida ay qiyaas ku sheegeen waayo joogii magaalada Baladweyne ee Diinta ka bartay ama ka raacday Masjidka oo ku caan-baxay magaca {Masjidka Bardaha}.