4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 28, 2013
Shirkadda Xawaaladd IFTIN Group oo Xarun Casri ah ka dhisatay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari (SAWIRRO)


Talaado, May 28, 2013 (HOL) — Waxaa maanta xarigga laga jaray dhisme casri ah oo laga dhisay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Dhismahan  oo muddo labo sano ah lawadey, waxaa iska leh shirkadda Iftin Group.

Dhismahan oo noqonaya xarunta dhexe ee Bankiga iyo xawaaladda Iftin, ayaa xaflad ballaaran oo xarigga looga jarayey -oo isla dhismahan dhexdiisa lagu qabtay- waxaa kasoo qayb galay maamulka sare ee Shirkadda Iftin iyo madax ka socotey dowladda Puntland.

Mas’uuliyiintii xafladdaas kasoo qayb galayna waxaa kamid ahaa: madaxweyne ku-xigeenka Puntland, wasiirka amniga, wasiirka maaliyadda, Wasiirka ganacsiga, wasiirka dekedaha, guddoomiyaha gobolka Bari  iyo maamulka rugta ganacsiga iyo wershedaha Puntland.

Sidoo kale, waxaa goobta ku sugnaa in badan oo kamid ah isimada iyo madax-dhaqameedka deegaanada Puntland, ganacsato iyo marti-sharaf kale oo ka kala socdey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha guud ee shirkadda Iftin Group Aadan Cabdilaahi Ilka-case, wuxuuna si kooban uga warbixiyey sababta ku kaliftay in dhisme noocan oo kale ah ay dalka ka dhistaan iyo weliba ujeedada ugu weyn ee ay arintaas ka leeyihiin.

Mudane Aadan Ayaa sheegay in ujeedada koowaad ee ay shirkaddu dhismahan ka lahaydi ay tahay, sidii uu dhiiri gelin ugu noqon lahaa ganacsatada kale, islamarkaana uu saldhig dhexe ugu noqon lahaa shirkadda Iftin oo horay xarunteeda u weyni ay ahayd dalka Imaaraadka.

Inj. Cabdirisaaq oo ka socdey shirkadda qaadatay qandaraaska dhismaha gurigan ee Mubaarak, ayaa isna dhankiisa sharraxaad kooban ka bixiyey waxa uu kaga duwan yahay dhismayaasha noocan ah ee sanadihii u danbeeyey dalka laga hirgeliyey.

Injineerka ayaa xusay in dhismahani uu yahay kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee dalka oo dhan laga taago, islamarkaana uu ku qalabeysan yahay tiknoolojiyaddii ugu danbeysey dhinaca dhismaha. Waxyaabaha uu sida gaarka ah farta ugu fiiqay waxaa kamid ahaa: qalabka dab-demiska, kaamirooyinka ilaalada,  korontada iyo qaboojinta.

Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin oo isna ku hadlayey magaca isimmada ayaa arintan ku tilmaamay tallaabo soo dhoweyn mudan, isagoo sheegay in shakhsiyan uu isagu si aad ah ugu farxay ayna sharaf u tahay in uu kasoo qayb galo xaflad lagu daah furayo dhisme noocan oo kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Jeneraal Cabdisamed Cali Shire oo isagu dhismahan si rasmi ah xarigga uga jaray, ayaa ku booriyey ganacsatada – gaar ahaan kuwa gobolka Bari- in ay maalgashtaan mashaariicda noocan oo kale maadaama ay iyaguna faa’iido ka helayaan dalkana ay horumar u tahay.

Dhismahan oo ka kooban saddex dabaq ayaa ah mid aad u bilicsan, waxaana iska leh shirkadda Iftin Group oo isugu jirta dhowr qaybood oo kala ah: xawaalad, Bangi iyo qaybta maalgashiga dhismaha.






Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya