4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 28, 2013
Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh oo ka warbixiyay kulan Maanta dhexmaray Guddiga dowladda iyo Maamulka Kismaayo


Talaado, May 28, 2013 (HOL) — Xildhibaan Xoosh Jibriil oo kamid ah guddi ka koobnaa 16 xubnood ee ay dowladda Soomaaliya usoo xilsaartay arimaha Jubbooyinka ayaa ka warbixiyay kulan ay maanta la qaateen mas'uuliyiinta maamulka Kismaayo.

Xildhibaan Xoosh oo warfidiyeenada kula hadlay Hotel Cas-caseey ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in kulankii ay maanta la qaateen maamulka Kismaayo ay uga  wadahadleen arrimo dhowr ah, wuxuuna intaa ku daray in ay isku afgarteen dhammaan qodobbadii ay ka wadahadleen.

Mas'uulkan ayaa sheegay in arimaha ugu muhiimsan ee ay isku afgarteen ay kamid ahayd in lawada ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida dalka iyo in la taageero go’aamadii kasoo baxay shirkii IGAD islamarkaasina laga qeybgalo shirka ka dhici doona magaalada Muqdisho.

“Waxyaalo badan baan meel isla dhignay oo ay kamid tahay in aan isku wada raacnay amarkii kasoo baxay IGAD inaan u wada hogaansanno iyo shirarka lagu xusay go’aamadii kasoo baxay IGAD shirarka lagu qaban doono xamarna inaan wada fududeeyno siduu u dhici lahaa kadib waxaanu ku ballannay inaanu isu soo noqonno oo waxyaalo cad cad isku raacno maalmaha soo socdo,” ayuu masuulkani hadalkiisii raaciyay.

Xildhibaan Xoosh ayaa sheegay in maamulka Kismaayo gaar ahaan garabka uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe ay u cadeeyeen in ay taageersanyihiin dowladda Soomaaliya islamarkaasina ay diyaar u yihiin in si nabad ah xal looga gaaro khilaafaadka u dhexeeya maamulka iyo dowladda Soomaaliya.

Kulanka ay isugu yimaadeen xildhibaanada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Kismaayo ayaa imaanaya iyadoo garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ay ku suganyihiin wafdigii wasiirada ahaa ee uu hogaaminayay wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Max’uud Xaaji Fiqi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya