4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 28, 2013
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD: “Dowladdu Waxay Gogol u Fidin Doontaa Shacabka ku nool Jubbooyinka”


Talaado, May 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maant dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay gogol u fidin doonto dadka ku nool gobollada Jubbooyinka si ay u sameystaan maamul ay iyagu raalli ka yihiin.

Xasan Sheekh oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha ayaa xusay in dowladda Soomaaliya aysan diidanayn in maamullo la sameysto, balse ay tahay in maamul walba oo la sameynayo ay dowladdu hormuud u noqoto.

“Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay gogol u fidiso dadka ku nool gobollada Jubbooyinka si ay u sameystaan maamul ay iyagu leeyihiin oo ay raalli isaga yihiin” ayuu madaxweynuhu ku sheegay shirkiis jaraa’id, isgaoo xusay in dowladdu ay ka hortagayso wax dagaallo ah oo ka dhaca gobolladaas.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in dowladdu ay raalli ka tahay wax walba oo ay doonayaan dadka ku nool gobollada Jubbooyinka, isagoo intaas ku daray in dowladdu ay wanaag la doonayso dadka ku nool Jubbooyinka.

“Ma jirto cid dibadda la dhigayo, dadka Jubbooyinka oo dhan ayaa shirka loo qabanayaa. Talada waxaa iska leh dadka deegaannadaas ku nool doorka ay dowladdu qaadanaysana waa mid saacidaad ku siman,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in xalka uu ku jiro Soomaalida dhexeeda loona baahan yahay in khilaaf walba oo jira lagu dhameeyo si ay ku jirto Soomaalinimo, fursadna mar dambena aan fusad la siin Al-shabaab iyo kuwa nabadda kasoo horojeeda.

“Xal Soomaalida dhexdeeda laga waayay cid shisheeye ah ma keeni karto, waana in maanka lagu hayo inuu dhammaaday xilligii kala aamin baxa, is-xag-xagashada iyo in dibadda laga fiiriyo awoodda, wax walbana wuxuu dhexyaallaa Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu dadka ku nool gobollada Jubbooyinka ku waaninayo in dowladdu ay la jeceshay wanaag iyo deggenaasho. Mana jiraan wax ay dibadda uga keenayso oo ay halkaas geynayso, balse fusadda waxaa iska leh dadka gobolladaas ku nool.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid tahay wasiiradda arrimaha dibadda Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa kasoo laabtay safar ay ku tageen dalka Itoobiya oo ay kaga qaybgaleen shirkii ururka Midowga Afrika.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya