4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2013
Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia oo Tababar loogu soo xiray Xarunta CRD ee Muqdisho (SAWIRRO)


Isniin, May 27, 2013 (HOL) — Xarunta CRD ee Muqdisho ayaa maanta tababar loogu soo xiray in ku dhow 30-shaqaale ah oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumadda Soomaaliya, kuwaasoo loo tababaray fulinta howlaha wasaaradda, iyadoo la guddoonsiiyay shahaadooyin.

Tababarkan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa gacan ka geystay hay’adaha CRD iyo FCA, waxaana casharrada ka bixinayay Prof. Xasan Cumar Mahad-Alla.

Wasiir u dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha, Mahdi Maxamed Nuur oo tababarka soo xiray ayaa sheegay in casharradii ay barteen shaqaalaha ay noqon doonaan kuwo wax badan ka bedelaya howlaha kala duwan ee ay wasaaraddu qabato.

“Maalintii tababarka uu billabanayay iyo maanta aad ayaad u kala duwan tihiin, waxaana hubaa inaad barateen casharrro ku filan inaad howlihiina si ka duwan sidii hore u qabataan,” ayuu yiri Mahdi oo shaqaalaha kula hadlay xarunta CRD oo tababarka lagu soo xiray.

Sidoo kale, wasiir u dowluhu wuxuu sheegay in tababarrada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan, qaybaha kale ee shaqaalaha wasaaraddana la siin doono, isaagoo u mahadceliyay hay’adaha tababarka soo qabanqaabiyay.

Prof. Mahad-Alla oo isaguna goobta ka hadlay ayaa shaqaalihii tababarka la siiyay kula dardaarmay inay noqdaan kuwo isku xiran oo howlahooda si wadajir ah u fuliya, isagoo ugu baaqay inay xalliyaan khilaafaadyada ay la kulmaan inta aanay gaarin madaxda sare ee wasaaradda.

“Casharradii aan halkan ku qaadateen waa kuwo aasaas u ah howlaha aad u haysaan wasaaradda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaana filayaa inaad dib ka qadan doonaan casharro kale oo howlihiin la xiriira,” ayuu yiri Prof. Mahad-Alla.

Dhanka kale, waxaa goobta ka hadlay agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ee wasaaradda arrimaha gudaha, Boqor Muuse oo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin tababarka ay shaqaaluhu qaateen, isagoo ugu baaqay inay dabaqaan waxyaabihii ay barteen oo dhan.

Xiritaankii tababarka waxaa goob-joog ka ahaa agaasimaha hay’adda CRD, Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo saraakiil kale oo hay’adda ka tirsan inkastoo aysan goobta ka hadlin.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya