3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2013
Dacwadda Xubno ku eedeeysan Fidinta diinta Kirishtaanka oo ka bilaabatay Maxkamadda Magaalada Hargeysa

Isniin, May 27, 2013 (HOL) — Maxkamad degmadda Hargeysa, ayaa shalay ka furantay dacwad ka dhan ah saddex qof oo Itoobiyaan ah oo lagu eedeeyey fasahaadin diimeed, kaas oo mudaddii u dambeeyey kiiskoodu ka socday maxkamadda.

Kiiskan oo ah mid xasaasi ah, ayaa kooxdan lagu eedeeyey inay dalka ka wadeen fidin diin aan ahayn diinta Islaamka, kaas oo dastuurku mamnuucay, haseyeeshee aanay  illa hadda jirin xeer ciqaabeed lagu dhaqi karo dambi noocaas ah cidda gasha, taas oo dood ka dhalisay xeer ilaalintii dacwadan waday iyo looyarkii u doodayey kooxdan lagu eedeeyey fidin diin aan islaam ahayn.

Dacwadan ayaa waxa ka soo qaybgalay dhagaysigiisa dadweyne badan, safaaradda Itoobiya iyo xubno ka tirsan asxaabtooddaa, waxaanay kala yihiin saddexdan qof ee dambigaasi lagu haysto laba haween ah iyo nin, waxaanay dacwadaasi socotay in ka badan  afar saacadood oo aan hakad lahayn, kuwaas oo xeer ilaalintuna cuskanayey dambiyada uu ku eedaynayo isagoo adeegsanaya ayaadaha quraanka ee xarimay fasahaadinta diinta iyo qodobo dastuuriya oo ka hadlaya, halka looyarkii u doodayeyna ku difaacayey in aanay jrin wax dambi ah oo lagu eedeen karo, maadaama oo ay sadexdan qof ay guryahooda ku caabudayeen diintoodda.

Haseyeeshee xeer ilaalinta degmadda ayaa ku soo oogtay saddexdan qof xeerka ciqaabta guud 314 oo tilmaamaya khalkhalgalin diinta islaamka ama caabudid diin aan islaam ahay, sidoo kale waxa uu soo bandhigay markhaatiyo ku furaya ficilada ay ku kaceen iyo cajaladdo iyo iyo filimaan ay ku duuban yihiin diintoodda, kuwaas oo u ku eedeeyey inay ku fidinayeen diin aan ahayn diinta islaamka.

Dacwadan oo dhawr cisho ka dib loo balamay ayaa noqonaysa tii ugu xasaasisanayd ee Somaliland ka bilaabanta, maadaama oo aanay jirin qodobo lagu ciqaabi karo dambigan oo kale ah, isla markaana illaa dawladda Soomaaliya aan maxkamadda la keeni jirin dacwadaha noocan oo kale ah balse si kale loo maareyn jiray, waxaanay noqonaysa markii ugu horeysay ee taariikhda  dacwadan oo kale maxkamada la keeno, taasina waxay ka dhigtay mid xasaasiyadeedda wadata.

Khabiiro uu dhow dhow xafiiska xeer ilaalinta oo aanu arrintan wax ka waydiinay sababta ugub ka dhigtay dacwadan ayaa sheegay in aanay hore maxkamada loo keeni jirin dacwadaha sidan oo kale maadaama oo aanay xeer lagu ciqaabaa jirin, inkastoo dastuurku xaramay in dalka lagu faafiyo diin aan diinta islaamka ahayn, balse dadka lagu soo eedeeyo faafinta aan diinta islaamka ahayn waxa loo soo gudbin jiray wasaarada diinta iyo awqaafta kuwaas oo mustaafurin jirin, iyadoo aan wax ciqaaba ah lagu fulin, iyadoo dad badan oo arrimahaasi lagu soo eedeeyeyna la mustaafuriyey.

Sidoo kale waxa iyaguna dacwadda dhagaysanayey guddida wanaag farista iyo xumaan reebista, kuwaas oo sheegay inay si fiican u socoto dacwada,isla markaana ay tahay mid bilow ah oo aan waxba laga odhan Karin, isla markaana ay eegi doonnaan marka ay soo gabogabawdo.

Si kastaba ha ahaatee, saddexdan qof ee lagu eedeeyey fasahaadiin diineed ayaa dalka ku soo galay qaxooti, kuwaas oo ay la shaqayanayeen dad soomaali ah oo illaa hadda lagu daba joogo halka ay ku sugan yihiin, waxaana lagu soo qabtay buugaag iyo filimaan qaarkood soomaali yahay oo ku saabsan diinta kiristaanka, taas oo daliil u ah faafinta ay ku jreen, inkastoo oo uu looyarku ku dooday inay xaq u leeyihiin inay gurigooda gudihiisa ku haysan karaan kitaabtoodda, isla markaana ku caabudi karaan diintoodda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
5/27/2013 1:24 PM EST
Isniin, May 27, 2013 (HOL) — Ciidamada la-dagaalanka argagaxisada dalka Kenya ayaa maanta oo Isniin ah ku toogtay deegaan lagu magacaabo Kisauni oo ku yaalla duleedka magaalada xeebta leh ee Mombasa, waxaana iska hor-imaad dhexmaray ninkaas iyo booliiska ku dhaawacmay lab aka mid ah ciidamada Kenya.

5/27/2013 1:02 PM EST
Isniin, May 27, 2013 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo xoogagga Al-shaabaab ku dhexmaray duleedka waqooyi ee degmada Jowhar.

5/27/2013 12:50 PM EST
Isniin, May 27, 2013 (HOL) — Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Caraale(duur), ayaa maanta Xabsiga Dhexe ee Magaalada Boorame ka siidaayey Odayaal ka soo jeedda degmadda Xariirad oo illaa sideetan maalmood ugu xidhnaa dil ka dhacay degmadaasi, isla markaana odayaashan loo xidhay sidii ay soo qaban lahaayeen ninkii dilkaasi geystay.

5/27/2013 10:13 AM EST
Isniin, May 27, 2013 (HOL) — Xarunta CRD ee Muqdisho ayaa maanta tababar loogu soo xiray in ku dhow 30-shaqaale ah oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumadda Soomaaliya, kuwaasoo loo tababaray fulinta howlaha wasaaradda, iyadoo la guddoonsiiyay shahaadooyin.

5/27/2013 10:05 AM EST
Isniin, May 27, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay tayeyn doonto ciidamada dowladda ee ku sugan gobollada Jubbooyinka si ay deegaannada kale ee gobolkaas ug saaraan Xarakada Al-shabaab.

5/27/2013 9:58 AM EST
Isniin, May 27, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa Muqdisho ugu soo gabagabeeyay tababar xubno laga soo xulay degmooyinka Hodan, Howlwadaag, Wardhiigley iyo Yaaqshiid, kuwaasoo loo tababaray sidii ay u ilaalin lahaayeen hantida dadweynaha oo ay ka mid yihiin nalalka qoraxda ku shaqeeya oo dhawaan la suray jidka 30-ka ee Muqdisho.

5/27/2013 1:51 AM EST
Isniin, May 27, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud aya walaac ka muujiyay howlaha nabad ilaalineed ee ciidamada Kenya ay ku joogaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, xilli ay dowladda Soomaaliya doonayso inay qabsato deegaannada kale ee ku yaalla gobolka Jubbada Hoose.

5/27/2013 1:49 AM EST
Isniin, May 27, 2013 (HOL) — Ciidamada booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay howlgallo baaritaanno ah kawada xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, iyagoo howlgalladaas ku qabqabtay dad fara badan.