4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2013
Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo howlgallo kawada saaka Xaafado ka tirsan Degmada Wadajir


Isniin, May 27, 2013 (HOL) — Ciidamada booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay howlgallo baaritaanno ah kawada xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, iyagoo howlgalladaas ku qabqabtay dad fara badan.

Howlgalladan oo qayb ka ah howgallo ay ciidamada isbahaysanaya ka wadeen Muqdisho toddobaadyadii ugu dambeeyay ayay AMISOM iyo dowladdu ku sheegeen inay yihiin kuwo lagu bartilmaameedsanayo kooxo ka tirsan Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanaya Muqdisho.

Xaafadaha la baarayo ayaa waxaa ka mid ah Nasteexo, Jayga iyo siligga Mareykanka, iyadoo dadka lagu amray inaysan guryaha kasoo bixi, ciidankuna ay guri-guri u galayaan guryaha ku yaalla xaafadahaas.

“Dadka oo dhan guryaha ayay ku jiraan, ciidamadu waxay galayaan guryaha waxayna kala baxayaan ragga da’ kasta oo ay yihiin,” ayay tiri Raxmo C/lle oo ka mid ah dadka ku nool xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir.

Barxad weyn oo ku taalla siligga Mareykanka ayaa la isugu geeyay boqolaal qof oo lagu soo qabqabtay howlgallada saakay socda, iyadoo aysan jirin cid weli xabsi loo dhaadhiciyay.

Afhayeenka AMISOM ayaa horay u sheegay inay billaabeen baaritaanno ay ku baarayaa degmooyinka gobolka Banaadir ayna guri-guri u baari doonaan si ay ammaanka u sugaan.

Howlgalkan ayaa wuxuu daba socdaa howgal maalin ka hor ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ka sameeyeen xaafadda Buulo-xuubeey oo ka tirsan isla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Si kastaba ha ahaatee waxaa baaritaannada ka socda Muqdisho kasoo hor-jeestay guddiga xuquuqul insaanka iyo arrimaha haweenka ee baarlamaanka Soomaaliya iyagoo ku tilmaamay kuwo xayiraad ku keenaya howlaha aasaasiga ah ee shacabka ku nool Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya