4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 26, 2013
Shir lagu Taageeray Go’aannadii Shirkii Ururka IGAD ee Maamul u smaeynta Jubbooyinka oo Muqdisho lagu Qabtay (SAWIRRO)


Axad, May 26, 2013 (HOL) — Kulan ay isugu yimaadeen wax-garadka kasoo jeeda gobollada Jubbooyinka, haweenka, culumada iyo dhallinyarada laguna taageerayay go’aannadii kasoo baxay shirkii IGAD ee maamul u sameynta Jubbooyinka ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Shirkan ayaa sidoo kale lagu taageeray in dowladda Soomaaliya ay Muqdisho ku qabato shir la isugu keenayo dhammaan dadka ku nool gobollada Jubbooyinka si loo dhiso maamul ay dadka gobolladaas ku nool u dhan yihiin.

Guddoomiyaha guddiga xiriirka Jubbooyinka iyo Gedo, Suldaan Cabdulqaadir Xaaji Maxamed (Luga-dheere) ayaa ujeedka shirka ku tilmaamay mid lagu taageerayo go’aannadii kasoo baxay shirkii madaxda IGAD ee Addis Ababa ka dhacay, isagoo xusay inay aad ugu faraxsan yihiin ayna taageerayaan in Jubbooyinka loo helo maamul u gaar ah isla markaana ku mideysan yihiin dadka deegaanka .

Maryan Maxamed Xuseen oo ka mid ahayd haweenkii kulankaas ka qayb-galay ayaa iyana sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay go’aanka kasoo urur goboleedka IGAD, kaasoo ku saabsanaa maamul u sameynta Jubbooyinka iyo Gado, taasoo dowladda Soomaliya loo idmaday inay hoggaanka u qabato.

“Heshiiya waa ogol-nahaye… waxaana ka qaybgalaynaa sidii dib loogu sixi lahaa khaladaadkii dhacay, dowladdana waxaan ku taageeraynaa in hormuud ay u noqoto sidii maamullo loogu sameyn lahaa gobollada Jubbooyinka iyo Gedo,” ayay tiri Maryan Maxamed.

Xubnihii kale ee kulanka ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa: Suldaan Hilowle, Suldhaan Maxamed Sheekh Axmed, Sheekh Nuur Colaad oo xildhibaan hore ahaa, Maxamed Cumar Guuleed iyo xubno kale, iyagoo dhammaantood sheegtay inay soo dhaweynayaan go’aannadii kasoo baxay shirkii IGAD.

“Gobollada Jubbooyinka waxay soo mareen dagaallo, mana la aqbali karo in dib loogu celiyo colaad, waxaan doonaynaa dib u heshiis ay beelaha oo dhan ka qaybgalaan, si ay u dhistaan maamul loo dhan yahay,” ayuu madasha ka sheegay Suldaan Luga-dheere.

Sheekh Nuur Colaad oo isna hadal kooban ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in si buuxda u tageerayaan go’aannadii kasoo baxay shirkii IGAD oo ahaa in dowladda Soomaaliya ay hoggaanka u qabato maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Kulankan taageerada ah ayaa kusoo beegmaya xili uu Kismaayo ka jira muran ka dhashay maamul halkaas looga dhawaaqay oo ay isku haystaan hoggaankiisa shan xubnood oo mid walba uu sheeganayo in isaga loo doortay hoggaaminta maamulka Jubaland.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya