4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 26, 2013
Faahfaahin ku Saabsan Howl-gallo ay Booliiska Dowladda iyo Kuwa AMISOM ay ka sameeyeen Muqdisho (SAWIRRO)


Axad, May 26, 2013 (HOL) — Ciidamada booliiska Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa nabadsugidda iyo booliiska AMISOM ayaa howlgallo dad badan lagu qabqabtay ka sameeyay shalay xaafadda Buulo-xuubeey ee degmada Wadajir.

Warbixin kooban oo AMISOM kasoo baxday ayaa lagu sheegay in howlgalladan ay ahaayeen kuwo lagu raadinayay kooxo ka tirsan Al-shabaab, waxayna xuseen in baaritaanku uu ahaa mid guri-guri ah.

“Howlgalladan waxay qayb ka yihiin kuwo lagu xaqiijinayo amniga Muqdisho, waana sii socon doonaan inta laga sifeynayo caasimadda kooxaha nabadda kasoo horjeeda,” ayaa lagu yiri warbixinta ay AMISOM soo saartay.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadda Buulo-xuubeey ayaa saxaafadda u sheegay in ciidamadu ay waaberigii hore ee shalay oo Sabti ahayd soo galeen xaafadahooda ayna guryaha kala baxeen dhallinyaro iyo dad kale oo waaweyn.

“Ciidammo ayaa guryaha noosoo garaacay, markii laga furay waxay billaabeen inay meel walba baaraan, dhalliyarada iyo raggii kale ee guriga ku sugnaa oo dhanna way kaxeysteen,” ayay tiri Istar Nuur oo ka mid ahayd dadkii guryahooda la baaray.

Dadkii howlgalkaas lagu qabqabtay ayaa lagu xiray xarunta CID-da ee Muqdisho halkaasoo lagu arkayay dad badan oo ehelladooda raadinayay, waxaana howgalkan uu ka mid noqonayaa kuwii ugu xooganaa ee ay ka sameeyaan Muqdisho booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya.

Qaar ka mid ah dadkii howgalka ayaa lasoo daayay kaddib markii ay lasoo baxeen kaararkooda waxbarasho, sidoo kalena waxaa la sii daayay dadkii watay kaararka muujinaya inay ka tirsan yihiin shaqaalaha dowladda iyo shaqaalaha hay’adaha kale ee dalka ka howlgala.

Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad ayaa horay u sheegay in guri-guri ay u baari doonaan Muqdisho, ayna raadinayaan kooxaha Al-shabaan ka tirsan oo uu sheegay inay magaalada falal ammaan-darro kawadaan.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya