4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 25, 2013
Jaamacadda SIMAD oo Muqdisho ka Furtay Bandhig-dhaqameed Muddo Hal Toddobaad ah socon doona (SAWIRRO)


Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Waxaa maanta ka furmay xarunta jaamacadda SIMAD ee Muqdisho bandhig socon doono muddo toddobaad ah kaasoo looga dan leeyahay noolaynta iyo kor u qaadista dhaqanka suuban ee Soomaliya. Bandhigan ayaa loogu magacdaray todobaadka dhaqanka (Caltural Week), iyadoo sanad walba ay sidan oo kale Jaamacaddu u qabato bandhiggan.

Toddobaadka dhaqanka (Caltural Week) ayaa ah mid ay jaamacada SIMAD ugu talo-gashay in ardayda maskaxdooda la baro waxaan waxbarsho ahayn, iyadoo ardayda lagu tartansiinayo Qour’aan akhriska, gabayo, bootinta dheer, kubada cagta, orod iyo kuwa kale oo dheeri ah.

Mas’uuliyiinta jaamacadda SIMAD ayaa ka furay xarunta weyn ee Muqdisho bandhiggan loogu magac-daray toddobaadka dhaqanka; iyadoo lagu soo bandhigay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ah, raashinka ay Soomaalidu dhaqanka u leedahay iyo agabka ay Soomaalidu farsameystaan.

Bandhiggan oo socon doona toddobaadkan waxaa maalin walba ka qayb-galaya shirkado ganacsi, arday iyo aqoon-yahanno Soomaaliyeed, iyagoo ku tartami doona dhaqanka aqrinta Qur’aanka, kubadda cagta iyo sidoo kale doodo siyaasadeed.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca hormarinta jamacadda SIMAD, Daahir Xasan oo ka hadalay furitaanka munaasabadda ayaa ugu horreyn sharraxaad ka bixiyay ujeeddada laga leeyahay qabsoomida bandhigan  isagoo tilmaamay inay dhowr jeer horay qabteen bandhigyo noocan oo kale ah.

Madaxa jaamacadda SIMAD, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ka warbixinayay bandhigga ayaa sheegay in loogu talo-galay in lugu soo noleeeyo dhaqanka ay caanka ku tahay Soomaalida, isla markana wuxuu ka warbixiyay asaaskii jaamacadda iyo inta jeer ay qabtayn bandhig dhaqameedyo noocan oo kale.

Intii lugu jiray furitaanka bandhigan ayaa ardaydii ka qayb-galay waxay ku soo bandhigay waxyaabo ka turjimaya hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed sida dhanto, gabayo iyo dood siyaasadeed ay u riyaaqeen dhammaan dadkii kasoo qaybgalay.

Furitaankii bandhig-dhaqameedkan oo ah kii afaraad oo ay Jaamacadda SIMAD qabato ayaa waxaa ka qaybgalay dadweyne fara badan oo lagu casuumay, kuwaasoo ay ku jireen aqoonyahanno iyo dad kale oo si weyn looga yaqaan Soomaaliya.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya