4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 25, 2013
Imtixaanka Shahaadiga ee fasallada 12-aad iyo 8-aad oo Maanta ka furmay Dhammaan Gobollada Puntland (SAWIRRO)


Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Ardeyda ka baxaysa fasalka afraad ee dugsiga sare iyo dugsiga dhexe ee deegaanada Puntland, kuwaasoo ay sanadkan tiradoodu tahay 8,515 ayaa saaka u fariistay imtixaanaadka shahaadiga ah ee 190 iskuul.

Munaasabado ballaaran oo imtixaanka lagu daahfurayey ayaa ka kala dhacay magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe, waxaana kasoo qayb galay mas’uuliyiin ay kamid yihiin madaxweynaha Puntland, ku xigeenkiisa iyo xubno golaha wasiirada ka tirsan oo uu kamid yahay wasiirka waxbarashadu.

Dugsiga Gambool ee Garoowe xaflad ka dhaday, taas oo imtixaanka lagu daah furayey ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed iyo wasiirka waxbarashada Cabdi Faarax Juxa.

Madaxweynaha oo isagu imtixaanka si rasmi ah u furay ayaa ardayda u rajeeyey guul ilaahna uga baryey in uu imtixaanka u fududeeyo, dhinaca kale madaxweynuhu wuxuu ardeyda ku booriyey in ay dadaalkooda sii laban laabaan.

Xaflad kale oo taas lamid ah ayaa iyaduna ka dhacday dugsiga sare Sheekh Xamdaan ee magaalada Boosaaso, waxaana kasoo qayb galay mas’uuliyiin ay kamid yihiin madaxweyne ku xigeenka Puntland, wasiirka dekedaha, wasiir-ku-xigeenka waxbarashada, gudoomiyaha gobolka Bari iyo duqa degmada Boosaaso.

Madaxweyne ku-xigeenka Jen. Cabdisamed Cali Shire oo si kooban ardeyda ula hadlay, ayaa ugu hanbalyeeyey heerka ay soo gaareen, isagoo xusay in looga baahan yahay in ay dadaalkooda halkaas kasii wadaan.

Sanad dugsiyeedkii 2009/2010 ayey ahayd markii ugu horeysey ee ay dowladda Puntland mideyso imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada dowladda hoos taga iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee ku mideysan dallada waxbarashada Puntland ee PEN.






Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya