4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 25, 2013
Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo ka Baaqday Safar ay ku tegi lahaayeen Maanta Magaalada Kismaayo

Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka gaashaandhigga Somalia, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo ay ka mid yihiin: wasiirka warfaafinta, C/llaahi Ciilmooge Xirsi iyo wasiirka cadaaladda, C/llaahi Ayan Nuur ayaa ka baaqday safar ay maanta ku tegi lahaayeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaddib buuq ka dhashay tegistooda Kismaayo.

Maamulka Sheekh Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu ku baaqay in wafdi kale oo ka socda dowladda Soomaaliya aysan doonayn inay yimaadaan Kismaayo, iyagoo saraakiisha ciidamada AMSIOM ee Kismaayo ku sugan ay dalbadeen in dib loo dhigo safarka wasiirrada dowladda Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa HOL u sheegay in safarkooda maanta uu baaqday balse ay maalinta berri ah u dhoofi doonan Kismaayo, isagoo intaas ku daray inay yihiin xubno u tagaya Kismaayo xaqiiro raadin, si ay u soo ogaadaan xaaladda Kismaayo ka jirta, balse ma uusan sheegin xilliga ay soo laaban doonaan.

Laakiinse wararka la helayo ayaa in saraakiisha ciidanka Kenya ee ku sugan Kismaayo ay wadaan dadaallo ay kaga doonayaan inay kaga dhaaciyaan maamulka Axmed Madoobe in wafdigan wasiirrada ah ay yimaadaan Kismaayo.

Sidoo kale, maamulka Axmed Madoobe ayaa sheegay in wafdigii hore ee dowladda ka socday oo ku sugnaa Kismaayo aysan waxba isla gaarin taas darteedna aysan aqbali karin wafdi kale oo ka socda dowladda Soomaaliya Kismaayo yimaadaan.

Mas’uuliyiinta maamulka Axmed Madoobe oo maanta shir ku yeesheen Kismaayo ayaa cambaareeyay siyaasadda dowladda Soomaaliya ee gobollada Jubbooyinka ku wajahan.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay go’aankii ay madaxda IGAD kasoo saareen maamulka Jubaland oo dhawaan Kismaayo looga dhawaaqay, waxaana magaaladaas ku sugan illaa shan ruux oo mid walba uu sheeganayo inuu yahay madaxweynaha Jubaland.

Dhanka kale, wafdiga dowladda ee ku sugan Kismaayo ayaa ka cabanaya in aysan jirin wadashaqeyn u dhexeysa iyaga iyo ciidamada Kenya ee qayta ka ah AMISOM, iyadoo xildhibaan Xoosh uu sheegay in ciidamadan ay u sheegeen inaysan sugi karin ammaankooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya