4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 24, 2013
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in la diiwaan-geliyay 1,345 Ajaabin ah oo ajnabi ah oo ku sugan Magaalada Muqdisho


Jimco, May 24, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diiwaan-gelisay 1,345 ruux oo ajnabi ah oo ku sugan Muqdisho, kuwaasoo la sheegay inay isugu jiraan dublamaasiyiin, shaqaale u shaqeeya NGO-yo iyo ganacsato.

Madaxa waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, Jen. Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud ayaa sheegay in tallaabadan lagu diiwaa-ngeliyay dadka ajnabiga ah ee dalka ku sugan ay tahay mid ay xukuumadda Soomaaliya ku doonayso inay ku ogaato ajaanibta dalka ku sugan.

“Waxaan diiwaan-gelinnay 1,345 ruux oo ajnabi ah oo ku sugan Muqdisho, qorshahanna waa mid ay dowladda Soomaaliya ku doonayso inay ku ogaato ajaanibta ku sugan dalka,” ayuu yiri Jen. Gaafoow oo warbaahinta Muqdisho ugu warramay.

Bishan May 09-keedii ayaa warbixin ay kasoo saareen shir ay Muqdisho ku yeesheen ku sheegay in dalka ay ku sugan yihiin ajaanib fara badan oo aan diiwaan-gashayn, iyadoo walaac ka muujiyay tirade dadkaas oo sii kordhaya.

Warar ayaa sheegaya in 924-qof oo u dhashay dalal kala duwan magaalada Muqdisho ka shaqeeyaan iyagoo aan wax ogolaasho ka ah ka haysan xukuumadda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa amar ku bixiyay la diiwaan-geliyo ajnabi ku sugan dalka, isagoo intaas ku daray in kuwa doonayaa inay dalka maal-gashi ku sameystaan ay tahay in wasaaradda ganacsiga ay ka haystaan warqado u ogolaanayo inay dalka ka shaqeystaan.  

“Diiwaan-gelinta ajaanibta dalka ku sugan waxaan u saarnay guddi afar wasiir ka kooban aan u saarnay inay baaritaan ku sameeyaan ajnabiga ka shaqeeya dalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay golaha wasiirradu ka soo saareen shir ay Muqdisho ku yeesheen 09-kii bishan May.

Jen. Gaafoow ayaa sheegay diiwaan-gelinta ajaanibta ku sugan dalka ee aysan ogeyn dowladda uu jawaab u yahay go’aanka kasoo baxay shirkii ay yeesheen golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa noqonaysa middii ugu horreysay oo ay dowladda Somalia qaaddo, taasoo lagu ogaanayo ajaanibta dalka ku sugan, waana tallaabadii ugu horreysay oo ay qaaddo dowladda Soomaaliya tan markii Soomaaliya ay burburka gashay muddo hadda laga joogo 22-sano.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya