3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 24, 2013
Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD oo ku baaqay in Dowladda Soomaaliya looga dambeeyo maamul sameynta Jubbooyinka

 
Jimco, May 24, 2013 (HOL) — Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee IGAD oo kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxay ku go'aansadeen in dowladda Somalia ay qabato shir deg-deg ah oo loogu yeerayo dhammaan qaybaha ay quseyso ee ku nool gobollada Jubbooyinka, si shirkaas uu uga soo baxo Road-map lagu dhisayo maamul KMG ah oo laga hirgeliyo Jubbooyinka.

IGAD ayaa sheegtay inay ku taageerayso dowladda federalka Soomaaliya si loo waafajiyo maamullada la dhisayo dastuurka dalka, waxaana arrintan u xaqiijiyay HOL afhayeenka dowladda federaalka Soomaaliya, Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) oo ku sugan Addis Ababa.

Inj. Yariisow oo khadka taleefoonka ugu warramay wariyaha HOL ee London, Ibraahim Baafo ayaa sidoo kale in qodobbadii kasoo baxay shirka wasiirrada arrimaha dibadda IGAD ay ka mid ahaayeen in laga codsaday dhammaan qaybaha kala duwan ee ku sugan magaalada Kismaayo ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara xaalad amni-darro iyo xasillooni-darro oo carqalad ku keeni karta dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

"Wasiirrada IGAD waxay isla garteen in shirkii ka dhacay Kismaayo iyo qodobbadii kasoo baxay inaysan ahayn kuwo waafaqsan dastuurka dalka iyo inay ahayd in dowladda Soomaaliya ay hoggaanka u qabato balse taasi ay meesha ka maqnayd, qodobbadii kasoo baxayna ay ahaayeen kuwo aan loo dhameyn," ayuu ku yiri Inj. Yariisoow oo u warramayay wariyaha HOL ee London, Ibraahim Baafo.

Arrintan ayay kusoo beegmaysaa xilli magaalada Kismaayo ay yeelatay saddex madaxweyne, lamana oga sida ay u aqbali doonaan go'aankan kasoo baxay shirka wasiirradda arrimaha dibadda ee IGAD oo kulan deg-deg ah ku yeeshay Addis Ababa.

Soomaaliya ayaa waxaa shirkan uga qaybgalaysa ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, iyadoo shirkaas ka jeedisay warbixin ku saabsan mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku saabsan arrimaha maamul u sameynta gobollada dalka Soomaaliya oo dhan.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD ayaa ka hor inta aysan go’aankan ka soo saarin shirkooda oo hordhac ahaa shir ay gellinka dambe ee isla maanta ku yeelan doonaan Addis Ababa madaxda dalalka IGAD waxay warbixin ku saabsan xaaladda Kismaayo ka dhageysteen guddi farsamo oo horay loogu saaray la socodka xaaladda ka taagan Kismaayo.

Madaxweynaha la doortay ee Jubaland iyo kuwa is-magacaabay ayaa waxay weli isku haystaan maamulka iyadoo la sheegayo in dadka Kismaayo ay kala taageersan yihiin labada ruux ee ugu saameynta badan oo kala ah: Sheekh Axmed Madoobe iyo Col. Barre Aadan Hiiraale.

Waxaa lagu wadaa in gellinka dambe ee maanta ay shir ku yeesheen isla Addis Ababa madaxda dlalaka IGAD, kuwaasoo ka doodi doona qodobbda kasoo baxay shirka wasiirrada IGAD, kaddibna ansixin doona, iyadoo tani ay guul weyn u noqon doonto dowladd Soomaaliya oo muddo dadaal ugu jirtay inay ka dhaadhiciso IGAD in la dhowro dastuurka dalka, dowladda Soomaaliya ay hoggaamiso qorshe walba oo lagu doonayo in maamul loogu sameeyo Soomaaliya.

Ibraahim Baafo, Hiiraan Online
[email protected]
London, Britain













Click here
5/24/2013 4:52 PM EST
Jimco, May 24, 2013 (HOL) — Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil oo ka mid ah wafdi ay xukuumadda Soomaaliya u dirtay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose si ay xal uga gaaraan khilaaf ku saabsan maamulka Jubaland ee dhawaan looga dhawaaqay degmadaas ayaa sheegay inay jirto wadashaqeyn la’aan u dhexeysa iyaga iyo ciidamad ka socda Kenya ee qaybta ka ah AMISOM.

5/24/2013 2:03 PM EST
Jimco, May 24, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diiwaan-gelisay 1,345 ruux oo ajnabi ah oo ku sugan Muqdisho, kuwaasoo la sheegay inay isugu jiraan dublamaasiyiin, shaqaale u shaqeeya NGO-yo iyo ganacsato.

5/24/2013 8:38 AM EST
Jimco, May 24, 2013 (HOL) — Ciidanka booliska magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xabsiga u taxaabay dad haween u badan oo ku sugnaa guri ku yaalla bartamaha magaaladaas.

5/24/2013 12:44 AM EST
Jimco, May 24, 2013 (HOL) — Madaxweynayaasha dalalka Bariga Afrika ee ku bahoobay ururka IGAD ayaa maanta kulan ku yeelanaya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, kaasoo ay kaga hadli doonaan arrinta ka taagan gobollada Jubbooyinka.

5/24/2013 12:43 AM EST
Jimco, May 24, 2013 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa dib u furtay diiwaan-gelinta dadka magan-galyo doonka ah ee dalkeeda galaya, kuwaas oo ay ku jiraan qoxootiga ka tagaya Soomaaliya, kaddib lix bilood oo aysan jirin wax diiwaan-gelin ah.

5/24/2013 12:11 AM EST
Jimco, May 24, 2013 (HOL) - Ururka u dhaqdhaqaaqa la dagaalan qabyaaladda ee loo yaqaano ATM (Anti-Tribalism Movement) iyo bahda Isboortiga ee magaalada London ayaa abaal-marin guddoonsiiyey shabakadda Hiiraan Online. Iyagoo ku abaal-mariyey heerka ay ka gaareen warbaahinta iyo sida ay u kasbatay kalsoonida shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay adduunka ka joogaan.