4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 24, 2013
Madaxda waddamada ku bahoobay IGAD oo Maanta ku kulmaya Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya

Jimco, May 24,  2013 (HOL) — Madaxweynayaasha dalalka Bariga Afrika ee ku bahoobay ururka IGAD ayaa maanta kulan ku yeelanaya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, kaasoo ay kaga hadli doonaan arrinta ka taagan gobollada Jubbooyinka.

Kulankan ayay madaxweynayaashu ku dhageysan doonaan warbixin ay soo saareen guddi farsamo oo ay IGAD horraantii bishan u saartay inay arrinta Kismaayo baaritaan ku sameeyaan, waxaana guddigan ay kulammo kala duwan la yeesheen hoggaamiyeayaasha isku haysta madaxweynenimada Jubbaland.

Shirka madaxweynayaasha ka hor ayaa waxaa lagu wadaa inay shiraan wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD, kuwaaasoo dajin doona qorshayaasha ay ka doodayaan madaxda IGAD.

Guddiga farsamo ee IGAD ay u saartay arrinta Kismaayo ayaa waxaa madax u ah xoghayaha guud ee IGAD, Maxbuub Macallin waxaana warbixintooda ay u gudbiyeen madaxda ururka si ay go’aan cad uga gaaraan arrinta Kismaayo.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa qayb ka ah madaxda IGAD ee maanta kulanka yeelanaya, iyadoo lagu wado in maalinta berri ahna uu madaxweynuhu ka qaybgalo kulanka madaxda Afirka iyo xuska 50-guuradii aasaaska Midowga Afirka oo ka dhici doona Addis Ababa.

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa tan iyo baratmihii bishan ka taagnaa muran ku saabsan cidda hoggaaminaysa maamulka Jubaland oo magaaladaas looga dhawaaqay, iyadoo ay xilkan isku haystaan shan ruux oo ay ugu cad-cad yihiin Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale.

Go’aanka madaxda IGAD ay ka gaaraan arrinta Kismaayo ayaa wuxuu noqon doonaa mid ay soo dhaweyso dowladda Soomaaliya oo horay u sheegtay in sameynta maamulka Jubaland aan loo marin jidkii habboonaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya