3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 24, 2013
Bahda Isbooritga ee London iyo Ururka La-dagaalama Qabyaaladda ee ATM oo Abaal-marin Guddoonsiiyey Shabakadda Hiiraan Online


Jimco, May 24, 2013 (HOL) - Ururka u dhaqdhaqaaqa la dagaalan qabyaaladda ee loo yaqaano ATM (Anti-Tribalism Movement) iyo bahda
Isboortiga ee magaalada London ayaa abaal-marin guddoonsiiyey shabakadda Hiiraan Online. Iyagoo ku abaal-mariyey heerka ay ka gaareen warbaahinta iyo sida ay u kasbatay kalsoonida shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay adduunka ka joogaan.

Xafladdaas abaalmarinta ah oo ka dhacday Blue Ocean Restaurent ee magaalada London ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa xubno ka socda warbaahinta gaar ahaan wariyeyaal ka socda telefishinka caalamiga ee Universal.

Waxaa abaal-marintan ka guddoomay labadaas urur madaxa shabakadda HOL, Axmed Guure oo uga mahadceliyay labad urur abaalmarinta ay guddoonsiiyeen HOL. Wuxuuna sheegay inay abaal-marintaan ay mudan yihiin shaqaalaha Hiiraan Online oo howlo aad u adag kawada gudaha dalka Soomaaliya.

Ururka ATM iyo bahda jaaliyadda isboortiga London ayaa waxay si wadajir ah ugu ammaaneen Hiiraan Online howsha nadiifka ah ee ay ummadda u hayaan, waxayna ku dhiirigaliyeen inay hawsha halkaas ka sii wadaan.

Madax shabakadda HOL, Axmed Guure ayaa ururka ATM iyo bahda isbooritga London uga mahad-celiyay abaalmarintooda, wuxuuna farxad ka muujiyey in qaybo ka tirsan bulshada Soomaaliyeed ay garteen howsha Hiiraan Online ay u hayso shacabka Soomaaliyeed. Wuxuuna ka ballan-qaaday labadaan urur in Hiiraan Online ay si toos ah ula shaqeyn doonto, gaar ahaa ururkan u tafaxeytay  inuu la dagaalamaan qabyaaladda. Waxay HOL ku ammaantay bahda Isboortiga ee London howla ay kawadaan magaalada London.

Magaalada London ayaa ah magaalada ugu dadka badan ee laga soo booqda Hiiraan Online.



Ibraahim Baafo, Hiiraan Online
[email protected]
London, Britain 













Click here
5/24/2013 4:52 PM EST
Jimco, May 24, 2013 (HOL) — Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil oo ka mid ah wafdi ay xukuumadda Soomaaliya u dirtay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose si ay xal uga gaaraan khilaaf ku saabsan maamulka Jubaland ee dhawaan looga dhawaaqay degmadaas ayaa sheegay inay jirto wadashaqeyn la’aan u dhexeysa iyaga iyo ciidamad ka socda Kenya ee qaybta ka ah AMISOM.

5/24/2013 2:03 PM EST
Jimco, May 24, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diiwaan-gelisay 1,345 ruux oo ajnabi ah oo ku sugan Muqdisho, kuwaasoo la sheegay inay isugu jiraan dublamaasiyiin, shaqaale u shaqeeya NGO-yo iyo ganacsato.

5/24/2013 8:38 AM EST
Jimco, May 24, 2013 (HOL) — Ciidanka booliska magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xabsiga u taxaabay dad haween u badan oo ku sugnaa guri ku yaalla bartamaha magaaladaas.

5/24/2013 7:26 AM EST
Jimco, May 24, 2013 (HOL) — Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee IGAD oo kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxay ku go'aansadeen in dowladda Somalia ay qabato shir deg-deg ah oo loogu yeerayo dhammaan qaybaha ay quseyso ee ku nool gobollada Jubbooyinka, si shirkaas uu uga soo baxo Road-map lagu dhisayo maamul KMG ah oo laga hirgeliyo Jubbooyinka.

5/24/2013 12:44 AM EST
Jimco, May 24, 2013 (HOL) — Madaxweynayaasha dalalka Bariga Afrika ee ku bahoobay ururka IGAD ayaa maanta kulan ku yeelanaya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, kaasoo ay kaga hadli doonaan arrinta ka taagan gobollada Jubbooyinka.

5/24/2013 12:43 AM EST
Jimco, May 24, 2013 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa dib u furtay diiwaan-gelinta dadka magan-galyo doonka ah ee dalkeeda galaya, kuwaas oo ay ku jiraan qoxootiga ka tagaya Soomaaliya, kaddib lix bilood oo aysan jirin wax diiwaan-gelin ah.