4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 23, 2013
Shan ruux oo siyaabo kala duwan loogu dilay Magaalada Gaarisa iyo Xerada Qoxootiga ee IFO ee Dalka Kenya

Khamiis, May 23, 2013 (HOL) — Shan qof ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay xalay degmada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi-bari Kenya iyo xerada IFO oo ka mid ah xeryaha dhadhaab ee dalka Kenya, iyadoo kooxaha dilalkan geystay ay baxsadeen.

Dilka hore ayaa ka dhacay magaalada Gaarisa xalay fiidkii iyadoo lagu dilay laba qof oo shacab ah, waxaana dilka kaddib ay booliiska Kenya sameeyeen baaritaanno sababay inay gubaan suuq lagu iibiyo jaadka iyo warshad lagu shiido galleyda oo ku taalla isla degmada Gaarisa.

Taliyaha booliiska gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, Charlton Murithi ayaa iska fogeeyay in ciidamada booliisku ay ka dambeeyeen gubitaanka suuqa iyo warshadda, isagoo sheegay in taasi ay u arkeen inay tahay mid lagu qalqal-gelinayo howlgallada booliiska, balse uu amar ku bixiyay in howgalladooda ay sii wataan.

“Dabku wuxuu kacay intii howlgalku socday, waxaana u aragnay inuu yahay mid lagu carqaladeynayo howlgalka, booliiskana waxaan amar ku siinnay in ay howshooda wataan,” ayuu yiri Murithi.

Milkiilaha warshadda la gubay oo lagu magacaabo Maxamed Muxumad ayaa u sheegay warbaahinta Kenya in ciidamada Kenya ay warshadiisa gubeen, isagoo xusay in lacago fara badan oo Kenyan Shillin iyo Doollar isugu jira ay ku gubteen warshadda.

“Warshadeyda waxaa gubay booliiska, waxaana ku jiray hanti fara badan oo mood iyo maal leh, waxaan ka xusi karaa lix kun oo doollar iyo 250,000 oo Kenyan shilling ah, sidoo kale waxaa ku gubtay dhammaan buugaagtii ay ku qornaayeen daymaha,” ayuu yiri Muxumad oo sheegay in bishii November ee sannadkii hore ay isla ciidamada Kenya gubeen warshaddiisa.

Dhanka kale, saddex qof oo shacab ah ayaa iyagana lagu dilay xerada IFO oo ka mid ah xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, iyadoo kooxihii weerarka fuliyay ay baxsadeen.

Saddexda qof ee la dilay ayaa waxaa ku jiray wiil yar, kaasoo aabbihii oo lagu magacaabo, C/llaahi Bedel oo la hadlay BBC-da uu sheegay in wiilkiisa uu soo watay kaddib markii uu xanuun dareemay, ayna toogasho ku dileen kooxo hubeysan oo baxsaday.

C/llaahi Bedel wuxuu intaas ku daray in markii maydka lasoo qaaday la dilay laba qof oo maydka la socday, wuxuuna xusay inuusan garanayn cidda dilka u geystay saddexdan qof oo mid uu wiilkiisa ahaa.

Dilalkan ayaa waxay imaanayaan xilli ay madaxda cusub ee Kenya sheegeen in la adkeynayo ammaanka deegaannada Kenya ee ku dhow soohdinta ay la wadaagaan Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen. Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya