4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 23, 2013
Xukuumadda Soomaaliya oo soo dhaweysay ka laabashada Mooshinkii laga geeyay Baarlamaanka Somalia (SAWIRRO)


Khamiis, May 23, 2013 (HOL) — Xukuumadda Somalia ayaa soo dhaweysay go’aankii uu baarlamaanka Somaaliya uga laabtay mooshinkii xukuumadda laga keenay, kaddib shir ay golaha wasiirradu ku yeesheen maanta xarunta ay ku leeyihiin Muqdisho, kaasoo uu shir-guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Golaha wasiirrada ayaa sidoo kale shirkooda kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin federaalka, arrimaha ka taagan Jubbooyinka iyo weliba wadahadalka lagula jira maamulka Somaliland.

Ra’iisal wasaaraha oo warbaahinta la hadlay shirka golaha wasiirada kaddib ayaa sheegay inay soo dhaweyeen go,aankii baarlamaanka ee looga noqday mooshinka ka dhanka ahaa xukuumadda, wuxuuna ka hadlay xaaladda ka taagan magaalada Kismaayo iyo wadahadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland.

“Si wadajir ah baan u xallinay dareenkii xildhibaannadii mooshinka keenay hadaan nahay labada gole ee dowladda. Kala duwanaanta fikirka haddii si fiican loo isticmaalo wax badan baa laga faa’iidaa, waxaana oran karaa - ka dawlad ahaan waan ka faa’iidaysannay mooshinka. Maanta iyo maalintii la billaabay mooshinka - maantaan kalsooni badannahay oo aan dhihi karaa faham buuxa ayaan ka qabnaa qaabka wadashaqeynta labada gole,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha oo si weyn ugu mahadceliyay shacbiga Soomaaliyeed ee taageerada buuxda u muujiyay xukuumadda muddadii mooshinku socday.

Sidoo kale, ra’iisul waasaraha ayaa si kooban uga warbixiyay horumarka ay ka gaareen arrimha guddaha iyo dhaqaalaha dalka. Wuxuuna xusay inuu jiro kobac dhaqaale oo yididdiilo leh iyo in dalka dib loogu soo noqonayo muddao dheer kaddib.

 

Ra’iisul wasaare Saacid ayaa intaas kaddib ka hadlay arrimaha Kismaayo iyo barnaamijka dowladda ee ku aaddan Jubaland. Wuxuuna ugu horreyn xusay in xukuumaddu leedahay mas’uuliyada federaalka lagu gaarsiinayo dalka oo dha ayna doonayso inay maamul-goboleedyadu ku dhismaan sida dastuurku dhigayo ee ummadda Soomaaliyeed heshiiska ku tahay.

“Dariiqa loo marayo hirgelinta federaalka waa inuu noqdo dariiqa saxda ah ee uu dastuurku qabo, waa in dowladdu leedahay doorka hoggaamineed ee lagu samaynayo maamul-goboleedyada. Sidoo kale waa muhiim in shacabka deegaanku u dhan yihiin oo isku waafaqsan yihiin. Waxaa kaloo muhiim ah inaysan hakad galin la-dagaalanka argagixisada iyo sidii dalka loogu soo dabaali lahaa nabadgalyo buuxda,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu yiri.

Dhanka kale ra’iisul wasaaruhu wuxuu ka hadlay wadahadaladii u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Somaliland oo kulankiisa labaad lagu qaban doono magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga bisha soo socota, isagoo sheegay inay wadahadaladaas muhiimad gooni ah u leeyihiin ummadda Soomaaliyeed ayna taas ku baraarugsan tahay dowladdu.

“Xukuumad ahaan waxaan doonaynaa inaan gaarno Soomaaliya oo mid ah; isla markaana federaal ah. Waddada aan u hayno jidkaas midnimada waa in aan la sharaysan ee nalagu taageero hawsha naloo igmaday. waxaana doonaynaa Soomaaliya oo mid ah, wax-dheeraad ahna ma doonayno,” ayuu hadalkiisa kusoo gabgabeeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo xukuumadda Somalia ay muujiso mowqifkeeda ku aaddan mooshinkii laga geeyay baarlamaanka, iyadoo mooshinkan ay ka soo horjeesteen shacabka Soomaaliyeed.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya