Warbixin dhawaan lasoo bandhigay oo muujinaysa tacadiyadii iyo xasuuqii loo gaystay Soomaalida gobolka waqooyi bari (WARBIXIN)
Qaar kamid dadkii ka badbaaday xasuuqaas oo ooyaya xilli ay samaynayeen dibad bax ka dhan ah Bethuel Kiplagat
Khamiis, May 23, 2013 (HOL) - Warbixin oo uu soo bandhigay guddiga runta, cadaalada iyo dib u hesheesiinta
Kenya ee (TJRC)
ayaa muujinaysa
tacadiyadii lixaadka lahaa ee ay la kulmeen Soomaalida ku nool gobolka waqooyi
bari ee dalka Kenya, kuwaasoo loo gaystay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha
xilliyadii gumaysiga iyo maamuladii ka dambeeyay ee ay kala hogaaminayeen
madaxweynayaashii Jommo Kenyatta iyo Daniel Arab Moi.
Sida ku xusan warbixinta waxay dawlada Kenya cadaysay in 2000 oo qof ay ku
dhinteen weeraro iyo xadgudubyo is daba joog ahaa oo dadkaas loo gaystay,
inkastoo warar kale ee ay sheegayaan in tirada ay gaarayso 7000 oo qof, intii
dhexaysay 1964 ilaa iyo1967, taasoo muujinaysa in saddex sano gudahood kaliya lagu
dilay tiro intaas le’eg oo dad ah.
Gudiga (TJRC) ayaa warbixintiisa ku sheegay in deegaanadaas ay ka
jireen falal ay fulinayeen shufto wadooyinka gasha, kuwaaso ay hogaaminayeen
dadka deegaanka si ay uga jawaabeen xadgudubyadii ay kala kulmeen gumaysigii
iyo dawladihii Kenya ee soo maray taasoo horseeday tacadiyo horleh iyo dilal
aan kala sooc lahayn oo dadka gobolka waqooyi bari lagu gumaaday.
Dhulka NFD oo ay markii dambe ka
bilaabatay iska caabin ay wadeen dadka deegaanka oo ka dhiidhiyay falalka ka
dhanka ah insaaniyada ee lagula kacay ayaa lagu sheegay warbixinta in si isdaba
joog ah ay ciidamadu uga gaysan jireen dilal,kufsi,dhac iyo falal kale oo ka
dhan ah xuquuqda bini’aadamka.
Gudiga warbixinta qoray ee dib u heshiisiinta ayaa sheegay inay waraysteen
qaar ka mid ah eheladii iyo kuwii ka badbaaday xasuuqii Wagalla, kuwaasoo ilaa
iyo xilligan la nool qalbi fuqii ay ka dhaxleen xasuuqaas oo keenay in la
gumaado dadka ku nool degmada Wajeer oo si aan kala sooc lahayn loo kufsaday
haweenkoodii, ragiina la laayay, xoolihiin laga dhacay.
Ciidamada iyo hay’adaha sirdoonka ee
Kenya ayaa gudiga aan siinin maacluumaadkii loo baahnaa, taasoo keeni lahayd in
la ogaadi xaqiiqada dhabta ah ee xasuuqyadii ka dhacay gobolka waqooyi bari,
balse gudigu waxay u cuskadeen warbixintooda waraysiyo ay la yasheen dadkii
dhibanayaasha ahaa ee kasoo badbaaday gabood falladadii naxdinta lahaa.
Xilligii gumaysiga dadka gobollada waqooyi bari waxaa loola dhaqmi jiray si
ka duwan Keenyaanka kale, taasoo muujinaysa in xadgudubyada lagu hayay dadkaas
ay ahaayeen kuwo xilli hore soo bilowday ayay tiri warbixintu.
Dawlada Kenya iyo hay’adaheeda garsoorka iyo ciidamada qalabka sida ayay
warbixintani ugu baaqday inay raali galin rasmi ah ka bixiyaan dhibaatooyinkii
ay u gaysteen dadka Keenyaanka ah, intii uusan waddanku qaadaan nidaamka
dimuqraadiga ah.
Qaar badan oo ka mid ah dadka kasoo jeeda gobolka waqooyi bari ayaan ku
qanacsanayn warbixinta oo ay sheegeen inuu gacantiisa ku qoray nin ay ku
eedaynayaan inuu ahaa ninkii gaystay xasuuqii Wagalla, taasoo micnaheedu
noqonayo inuu qariyay in badan oo kamid ah gabood falladaas oo ay ku tilmaameen
inay ahaayeen xasuuqii ugu ballaarnaa ee ka dhaca waddanka Kenya.
Bishii February 1984 ayay ahayd markii ay dawlada Kenya ciidamadeedu
gaysteen xasuuq lagu dilay kumanaan qof laguna kufsaday kumanaan haween ah,
sida ay kuu sheegayaan dadka ku nool degmada Wajeer oo uu xasuuqaasi ka dhacay.
Ambassador Bethuel Kiplagat oo gudiga TJRC ee warbixintan soo saaray
gudoomiye u ah ayaa xilligaas ahaa sarkaal sare oo ka tirsan mukhaabaraatka
Kenya, isagoo sidoo kalana ahaa xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha
dibadda, waxayna dadka deegaanka Wajeer ku eedeeyeen inuu lug ku lahaa xasuuqii
Wagalla.
Balse Bethuel Kiplagat ayaa beeniyay inuu wax dambi ah sameeyay, isagoo
sidoo kalana loo haysto inuu wax ka ogaa dilkii loo gaystay wasiirkii hore ee
arrimaha dibadda ee Kenya Robert Ouko oo la dilay sannadkii 1990-kii.
Tan iyo markii la magacaabay gudiga dib u heshiisiinta ee TJRC ayaa waxaa
socday cabashooyin ka imaanayay dadka gobolka waqooyi bari oo ay ku doonayeen
Kiplagat inuu isaga casilo gudoonka gudiggan maadaama ay aaminsanyihiin inuu
isagu kaalin muuqata ku lahaa xasuuqaas.
Dad badan ayaa is waydiinaya sida ay cadaalad u noqon karto warbixin uu
diyaariyay nin loo haysto inuu isagu wax ka maleegay xasuuqii loo gaystay dadka
Soomaalida ah ee gobolka waqooyi bari, iyadoo aysan warbixintuna tiro rasmi ah ku
salaynin inta ay le’egyihiin dadkii ku dhintay xasuuqaas oo lagu tilmaamo inay
ahaayeen kumanaan qof.
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya