3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 23, 2013
Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya dagaal ka dhacay Deegaanno Dhinaca Galbeed kaga beegan Baladweyne

Khamiis, May 23, 2013 (HOL) — Warar dheeraad ah oo ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo deegaanno galbeedka kaga beegan magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan ku dhaxmaray xoogagga Al-shabaab iyo dad xoola dhaqato ah, kadib markii sida wararku sheegayaan Al-shabaab weerar ku qaadeen deegaannka Far-libaax ee gobolka Hiiraan.

Dagaallka ayaa xooggiisa waxaa uu qarxay kadib markii Al-shabaab ay ku dilleen deegaannada ay weerarka ku qaadeen dad xoolo dhaqato ah oo sida la sheegay uu soo kala dhax-gallay khilaaf salka ku hayay wax ay ugu yeereen Zakawaad oo ay ka doonayeen Al-shabaab dadka xoolaha dhaqatada ah.

Saraakiisha mamulka gobollka Hiiraan oo ka hadllay dagaallka ayaa sheegay in deegaannka Far-libaax oo 50 km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Baladweyne weerar ku qaadeen Al-shabaab oo sida ay hadalka u dhigeen saraakiisha damacoodu ahaa in ay xoolo ka qaadaan dadka deegaannka oo arintaa siweyn uga horyimid.

''Waxaa ay halkaa ku dilleen shan ruux oo ay ka mid ahaayeen wiil yar oo arday ah iyo oday da'ah, laakiin iska caabin weyn ayeey kala kulmeen dadka deegaannka oo is abuulay,'' ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka arrimaha amniga maamulka gobollka Hiiraan Max'ed Ibraahim C/kariin oo la hadllayay warbaahinta.

Sidoo kale saraakiishu waxaa ay sheegeen in uu jiray dagaal culus oo dhaxmaray xoogagga Al-shabaab iyo ciidamo ka tirsan kuwa maamulka kadib markii ay qafaasheen Al-shabaab dad xoolo dhaqato ahaa oo ku noolaa deegaannada ay weerarka ku qaadeen, kuwaasoo khasaare xoog leh gaarsiiyay ayeey sheegeen xoogagga Al-shabaab.

Wararka qaar ayaa sheegay in uu sidoo kale uu jiray dagaal ka dhashay weerarka Al-shabaab ay ku qaadeen deegaannka Far-libaax oo dhaxmaray ciidamada Liyuu Booliiska ee dalka Itoobiya iyo Al-shabaab.

''Waxaa laga dillay Al-shabaab 12 dagaalyahan, sidoo kalana waxaa laga qabsaday ilaa 12 qori, tirada dhimashada waa intii aynu ku aragnay goobihii lagu dagaallamay,'' ayuu yiri guddoomiiye ku-xigeenka dhinaca amniga maamulka gobollka.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku aadan dagaallka ka dhacay deegaannada hoos taga gobollka Hiiraan oo ay guulo ka sheegteen saraakiisha maamulka gobollka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya













Click here
5/23/2013 1:08 PM EST
Khamiis, May 23, 2013 (HOL) — Urur goboleedka IGAD ayaa warbixin ay soo saareen maanta waxay ku sheegeen in dowladda Somalia looga dambeeyo dhismaha maamul goboleedyada dalka iyo hirgelinta habka federaalka ah ee dalka uu ku dhaqmayo, iyadoo la ixtiraamayo dastuurka Soomaaliya.

5/23/2013 12:44 PM EST
Khamiis, May 23, 2013 (HOL) — Shan qof ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay xalay degmada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi-bari Kenya iyo xerada IFO oo ka mid ah xeryaha dhadhaab ee dalka Kenya, iyadoo kooxaha dilalkan geystay ay baxsadeen.

5/23/2013 12:11 PM EST
Khamiis, May 23, 2013 (HOL) — Xukuumadda Somalia ayaa soo dhaweysay go’aankii uu baarlamaanka Somaaliya uga laabtay mooshinkii xukuumadda laga keenay, kaddib shir ay golaha wasiirradu ku yeesheen maanta xarunta ay ku leeyihiin Muqdisho, kaasoo uu shir-guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

5/23/2013 10:48 AM EST
Kulan ay isugu yimaadeen qaar kamid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi ayaa loogu mahadceliyay xildhibaanadii ka noqday mooshinka ka dhanka ahaa xukuumada Soomaaliya, kaasoo dhicisoobay kadib markii ay ka laabteen tiro badan oo xildhibaano ah, iyadoo ay soo hareen wax ka yar 40 xildhibaan.

5/23/2013 8:11 AM EST
Khamiis, May 23, 2013 (HOL) —Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku riddey eedaysaneyaal loo soo qabtay dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax – oo bishii lasoo dhaafay ee Febaraayo- lagu diley magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

5/23/2013 8:07 AM EST
Khamiis, May 23, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayay munaasabad loogu dabaal-dagayay 50-guuradii kasoo wareegtay markii la aasaasay ururuka Midowga Afirka oo maanta Muqdisho lagu qabtay ayaa sheegay inuu rajeynayo in dhawaan shirka ururka Midowga Afrika lagu qabto magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

5/23/2013 8:06 AM EST
Khamiis, May 23, 2013 (HOL) — Bannaanbax ay ka qaybagleen boqollaal qof iyo mas’uuliyiinta gobolka Banaadir laguna taageerayay dowladda Somalia iyo mooshinkii ay ka laabteen xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

5/23/2013 8:04 AM EST
Khamiis, May 23, 2013 (HOL) — Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka furmay shir looga hadlayo badbaadada iyo nabadda warbaahinta ku hadasha Afka Soomaaliga si oo ay ka qeybgalayaan saxafiyiin ka kala yimid Soomaaliya, Somaliland iyo Yurub.

5/23/2013 7:14 AM EST
Warbixin oo uu soo bandhigay guddiga runta, cadaalada iyo dib u hesheesiinta Kenya ee (TJRC) ayaa muujinaysa tacadiyadii lixaadka lahaa ee ay la kulmeen Soomaalida ku nool gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya, kuwaasoo loo gaystay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha xilliyadii gumaysiga iyo maamuladii ka dambeeyay ee ay kala hogaaminayeen madaxweynayaashii Jommo Kenyatta iyo Daniel Arab Moi.

5/23/2013 5:30 AM EST
Khamiis, May 23, 2013(HOL) :- Gudigii ka koobnaa 16-ka xubnood ee dowladda Soomaaliya u magacoowday arimaha Jubooyinka, mudooyinkii u danbeeyayna ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay halka ay u marayaan kulamo maalmihii u danbeeyay ay la lahaayeen waxgaradka iyo odoyaasha kasoo jeeda Jubooyinka.

5/23/2013 2:08 AM EST
Khamiis, May 23, 2013 (HOL) — Dowladda Uganda ayaa waxay waddaa olole ay ku doonayso in dalalka Afrika ay go’aan cad kaga qaataan maxkamadda dambiyada dagaalka caalamiga ah ee ICC, taasoo ay ku eedeeyeen inay bar-tilmaameed ka dhigato madaxda Afrika.

5/23/2013 1:40 AM EST
Khamiis, May 23, 2013 (HOL) — Munaasabad lagu xusayo sannad-guuradii 50-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay ururka Midowga Afrika ayaa maanta ka dhacay Muqdisho, iyadoo lagu wado in madaxda dowladda ugu sarreysa ay ka qaybgalaan munaasabaddaas.