4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 23, 2013
Munaasabad lagu xusayo 50-guuradii kasoo Wareegtay markii la Aasaasay Midowga Afrika oo Muqdisho ka dhacaysa


Khamiis, May 23, 2013 (HOL) — Munaasabad lagu xusayo sannad-guuradii 50-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay ururka Midowga Afrika ayaa maanta ka dhacay Muqdisho, iyadoo lagu wado in madaxda dowladda ugu sarreysa ay ka qaybgalaan munaasabaddaas.

Munaasabaddan ayaa ka dhacaysa Xalane oo ah xarunta ugu weyn ee ay AMISOM ku leedahay Soomaaliya, waxaana Muqdisho soo gaaray saakay wufuud ka socda Midowga Afrika iyo dalal kale oo Afirkaan ah.

Ciidamada AMISOM ayaa adkeeyay ammaanka xarunta Xalane iyo goobaha ku dhow iyadoo lagu wado in munaasabaddan ay ka qaybgalaan madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay kulankaas ka jeediyaan hadallo ku aaddan howlaha ay ciidamada AMISOM ka hayaan gudaha dalka iyo guulaha laga gaaray dagaalladii ay la galeen Xarakada Al-shabaab.

Ururka Midowga Afirka oo la aasaasay sannadkii 1963-kii ayaa Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalkii lahaa fikirka waxna ka aasaasay, waxaana ka ahaa madaxweyne xilligaas Allaha u naxariistee Aadan Cabdulle Cismaan oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya.

Xubnaha ka qaybgalaya munaasabaddan ayaa waxaa ka mid ah ergayga AU-da ee arrimaha Soomaaliya, danjire Maxamed Saalax Anaadiif oo shalay soo gaaray Muqdisho, isagoo sheegay inuu kala qaybgalayo shacabka Somalida dabaal-dagga loo sameynayo aasaaska Midowga Afrika.

Waa markii ugu horreysay oo munaasabad lagu xusayo sannad-guuradii ka soo wareegtay aasaaskii ururka Midowga Afrika lagu qabto Muqdisho tan iyo markii uu dalku galay burburka iyo colaadaha sokeeye.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya