3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 22, 2013
Soomaaliya oo kaalinta koowaad ka gashay bandhig-dhaqan oo lagu qabtay Magaalada Konya ee Dalka Turkiga (SAWIRRO)


Arbaco, May 22, 2013 (HOL) — Bandhig-dhaqameed ay kasoo qayb-galeen in ka badan 50-dowladoood ayaa ka dhacay magaalada qadiimigaa ee Konya oo ku taalla dalka Turkiga. Bandhig dhaqameedkan ayaa loosoo agaasimay si layaab leh, iyadoo ay ka dhex muuqdeen ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Turkiga Soomaalida dalkaas ku nool.

Bandhig-dhaqameedkan oo dad kala duwan ay hidahood iyo dhaqankooda kusoo bandhigeen ayaa ah mid sanadkiiba mar la qabto; waxaa soo qaban-qaabisay hay’ad Islaami ah oo lagu magacaabo Mevlana Uluslararası Öğrenci derneği.

Madax sare oo ka tirsan dowladda Turkiga ayaa kasoo qaybgalay bandhigga wuxuuna socday muddo saddex maalmood ah; waxyaabihii halkaas lagu soo bandhigayna waxaa ka mid ahaa cunnada ay Soomaalidu caanka ku tahay ee canjeerada loo yaqaan.

Arrinta xusidda mudan ee soo jiidatay dadkii kasoo qaybgalay bandhiggan ayaa waxaa wacdaro ay halkaas ka muujiyeen arday iyo dadka Soomaalida ah ee ku nool mmagaalada Konya, iyagoo soo badhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka Soomaalida oo aad loo jeclaystay.

 

Ciyaaro dhaqmeedka Soomaalida ee lagu soo bandhigay bandhiggaas ayaa waxaa ka mid ahaa: dhaantada oo ay aad ula dheceen dhammaan dadkii ku sugnaa halka lagu qabanayay bandhiggan.

Sidoo kale, waxaa xusid mudan in dadka Soomaaliyeed ay ku guuleysteen in ay kaalinta koowaad ka galeen bandhigga taasoo sharaf weyn u soo jiidday guud ahaan Soomaalida ku nool dalka Turkiga iyo Soomaalida oo dhan.

Fannaaniin Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Konya ee dalka Turkiga ayaa goobta ka qaadeen heeso waddani ah oo aad ay ula dhaceen dadkii lagu casuumay bandhig-dhaqmeedkaas oo ay ku jireen kuwo Turki ah.

Dalka Turkiga ayaa xilliyadii ugu dambeeyay lagu qabanayay bandhigyo noocan oo kale ah, kuwaasoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo ay dadka Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool ka qaybqaataan ayna guulo waaweyn kasoo hoyeen.













Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya











Click here
5/22/2013 9:11 AM EST
Arbaco, May 22, 2013 (HOL) — Kumannaan Soomaali ah ayaa dawooyin lacag la’aan ah ka helay isbitaalka Shifo oo ka mid ah isbitaallada ay ka hirgelisay Muqdisho hay’adaha bisha cas ee Turkiga iyo hay’adda TIKA oo dhinaca horumarinta dibadda u qaabilsan dowladda Turkiga.

5/22/2013 9:09 AM EST
Shir hordhac ah oo loogu gogol Xaarayo shirweynaha dib u dhiska Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

5/22/2013 8:09 AM EST
Arbaco, May 22, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu hoggaaminayo wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, danjire Maxamed Saalax Anaadif iyo saraakiisha sar-sare ee AMISOM.

5/22/2013 7:50 AM EST
Arbaco, May 22, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka ayaa dib uga laabtay maanta Mooshin ay ka keeneen xukuumadda Soomaaliya sida uu ka sheegay fadhigii maanta ee baarlamaanka guddoomiyaha baarlamaanka Somaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

5/22/2013 7:41 AM EST
Arbaco, May 22, 2013(HOL) :- Wararka ka imaanaya deegaanka Buusaar oo qiyaastii 40 KM dhanka Bari uga beegaanka Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in goordhaw qarax lala eegtay gudoomiyaha deegaanka Buusaar Mudane Iftiin Xuseen C/laahi, iyadoona qaraxaasi uu ka badbaaday gudoomiyaha.

5/22/2013 3:31 AM EST
Arbaco, May 22, 2013 (HOL) — Saraakiisha gobolka Oklahoma ee dalka Mareykanka ee ay duufaantii xooganeyd ku dhufatay gelinkii dambe ee isniintii ayaa sheegay in ay rejo wanaagsan ka qabaan in ay dhawaan soo af-jaraan howlaha gurmadka ah ee ay wadeen tan iyo tii ay mashaqadu dhacday, taasi oo ay ku baadi-goobeyaan dadka iyo duunyo wixii ay ku habsadeen dhismeyaashii dumay.

5/22/2013 3:22 AM EST
Arbaco, May 22, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta ka doodaan mooshin ka dhan ah xukuumadda Soomaaliya kaasoo dhawaan la horgeeyay baarlamaanka, inkastoo xubno ka mid ah kuwii saxiixay ay sheegeen inay ka la laabteen go’aankooda.