Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka laabtay Mooshin, mar kalena kalsoonida siiyay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
Arbaco, May 22, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka ayaa dib uga laabtay
maanta Mooshin ay ka keeneen xukuumadda Soomaaliya sida uu ka sheegay fadhigii
maanta ee baarlamaanka guddoomiyaha baarlamaanka Somaaliya, Prof. Maxamed
Sheekh Cismaan (Jawaari).
Kulankii maanta oo ay soo xaadireen 200
xildhibaan ajadahiisaa uu ahaa in laga doodo mooshinkii ay xukuumadda ka keentay
ayaa la joojiyay, kaddib markii uu guddoomiyaha baarlamaanka ku dhawaaqay in
mooshinkaas laga laabtay.
“Mudanayaal badan ayaa warqado ii keenay,
kuwaasoo ay ku sheegayeen in ay ka laabteen mooshinkii ay ka keeneen
xukuumadda, waxaana xubnaha soo haray ay noqdeen 38-xubnood taasna taasoo ka
dhigaysa mooshinka mid aan sharci ahayn,” ayuu yiri Prof. Maxamed Cismaan (Jawaari)
oo ahaa shir-guddoonkii kulankii baarlamaanka ee maanta.
Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka
ayaa sheegay in xildhibaannadu ay kalsoonidooda mar kale siiyeen xukuumadda
Soomaaliya ayna noqonayso in ay howsheeda sii wadato, isagoo xukuumadda ugu baaqay
inay howlaheeda sii wadato ayna saxdo eedeymihii horay loogu soo jeediyay.
Tallaabaadan ayaa waxay noqonaysaa in
xukuumadda Soomaaliya oo muddo lix bilood ah shaqeynaysay ay howsheeda sii wado,
waxaana xildhibaanadii ka laabtay mooshinka ay sheegeen inay u arkeen
mooshinkan inuu carqalad ku yahay howlaha dowladda Soomaaliya.
Bartamihii bishan ayaa waxaa xildhibaanno
tiradoodu ahayd 93 xildhibaan ayaa hor-geeyeen baarlamaanka mooshin ka dhan ah
xukuumadda Somalia, waxaana xildhibaannada saxiixay ay gaareen 129 xubnood,
inkastoo ay dib u bilaabeen xildhibaannadu inay ka laabtaan.
Maalmahan ayaa waxaa Muqdisho ka socday
kulammo ay qabanayeen xubnihii mooshinka geeyay, kuwaasoo ay kaga dhawaaqeen
inay ka laabteen mooshinkii ay ka geeyeen xukuumadda.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi
Faarax shirdoon Saacid ayaan weli ka haldin mooshinka ay xildhibaannadu ka
laabteen, iyadoo tani ay noqonayso guul u soo hoyatay xukuumadda federaalka
Soomaaliya.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa
ugu dambeyn soo xiray kulankii baarlamaanka Soomaaliya, kaddib markii uu ku dhawaaqay
in laga laabtay mooshinkii laga keenay xukuumadda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya