3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 22, 2013
Dabeyshii Oklahome oo Khasaare Xooggan Gaarsiisay Kumannaan Ruux iyo Madaxweyne Obama oo ka hadlay (SAWIRRO)


Arbaco, May 22, 2013 (HOL) — Saraakiisha gobolka Oklahoma ee dalka Mareykanka ee ay duufaantii xooganeyd ku dhufatay gelinkii dambe ee isniintii ayaa sheegay in ay rejo wanaagsan ka qabaan in ay dhawaan soo af-jaraan howlaha gurmadka ah ee ay wadeen tan iyo tii ay mashaqadu dhacday, taasi oo ay ku baadi-goobeyaan dadka iyo duunyo wixii ay ku habsadeen dhismeyaashii dumay.

Duufaantaan oo lagu tilmaamay in ay ka mid ahayd kuwii ugu xumaa ee abid soo mara Mareykanka ayaa la xaqiijiyey ugu yaraan in ay ku geeriyoodeen 24 ruux, oo ay sagaal ka mid ah caruur ahaayeen, halka ay ku dhaawacmeen boqolal kale, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka.

“Wararkii hore ee khasaaraha dhimashada gaarsiiyey 51 waxaa sabab u ahaa meydadka qaarkood oo labo mar la tiriyey,” ayey tiri Amy Elliott oo ka mid ah saraakiisha caafimaadka ee gobolka Oklahoma, iyadoo intaasi raacisay “Waxaan helnay war wanaagsan. Nambarka dhimashadu hadda waa 24.”

Gudoomiyaha gobolkaasi Oklahoma Mary Fallin ayaa sheegay in ay deg deg noqonayso in si dhab ah loo xaqiijiyo tirada dhimashada, maadaama ay wali howshu socoto.

Telefishinada dalka ayaa baahinaya muuqaallo xanuun badan oo muujinaya dhismeyaal saqafkii kore dabeyshu qaaday iyo kuwo gabi’ahaan burburay oo ay wali hoostooda kooxaha gurmadku ka raadinayaan dad nool.

 

Goobaha burburay ee ay dabeyshu waxyeelaysay ayaa waxaa ka mid ahaa iskuullo waxbarasho oo ay dhiganeyeen caruur da’yar, kuwaasi oo ka mid noqday dadka dhibaneyaasha ah ee ku waxyeeloobay mashaqadaan.

“Labada iskuul ee Plaza Towers Elementary iyo Briarwood, midkoodna ma lahayn qolalka bedbaadada, kuwaasi oo iska celinkaray xawaaraha iyo awooda culus ee ay wadatay dabeyshu,” ayuu yiri Albert Ashwood oo ka tirsan waaxda gurmadka deg-degga ah ee gobolka Oklahoma.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo galabtay gelinkii dambe ka hadlay wixii ka dhacay Oklahoma ayaa u duceeyey dadkii ku noolaa magaalada Moore ee ay dabeyshu waxyeelaysay, isagoo sidoo kalena ku dhaawaqay gargaarka dowladda dhexe.

“Dadka Moore [magaaladda dabeyshu burburisay] waa in ay ogaadaan in dalkoodu uu baaqi’yahay, islamarkaana uu garab taagan yahay, waxkasta oo ay nagu qaadataba,” ayuu yiri.

Madaxweyne Obama ayaa cadeeyey in ay balaaran tahay musiibada ka dhacday Oklahoma, isagoo madaxda qaranka ugu baaqay in ay ka qeybqaataan, oo ay ku biiraan dadaalada samata-bixinta.

Gargaarka uu ku yaboohay madaxweyne Obama ayaa waxaa u baahan kumanaan ruux oo deegaanadoodu ka cararay, islamarkaana guryahoodu waayey oo ay dabeyshu banaanka dhigtay.



 

Maxamed Faarax Talyaani, Hiiraan Online
[email protected]
Minnesota, Mareykanka












Click here
5/22/2013 9:34 AM EST
Arbaco, May 22, 2013 (HOL) — Bandhig-dhaqameed ay kasoo qayb-galeen in ka badan 50-dowladoood ayaa ka dhacay magaalada qadiimigaa ee Konya oo ku taalla dalka Turkiga. Bandhig dhaqameedkan ayaa loosoo agaasimay si layaab leh, iyadoo ay ka dhex muuqdeen ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Turkiga Soomaalida dalkaas ku nool.

5/22/2013 9:11 AM EST
Arbaco, May 22, 2013 (HOL) — Kumannaan Soomaali ah ayaa dawooyin lacag la’aan ah ka helay isbitaalka Shifo oo ka mid ah isbitaallada ay ka hirgelisay Muqdisho hay’adaha bisha cas ee Turkiga iyo hay’adda TIKA oo dhinaca horumarinta dibadda u qaabilsan dowladda Turkiga.

5/22/2013 9:09 AM EST
Shir hordhac ah oo loogu gogol Xaarayo shirweynaha dib u dhiska Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

5/22/2013 8:09 AM EST
Arbaco, May 22, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu hoggaaminayo wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, danjire Maxamed Saalax Anaadif iyo saraakiisha sar-sare ee AMISOM.

5/22/2013 7:50 AM EST
Arbaco, May 22, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka ayaa dib uga laabtay maanta Mooshin ay ka keeneen xukuumadda Soomaaliya sida uu ka sheegay fadhigii maanta ee baarlamaanka guddoomiyaha baarlamaanka Somaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

5/22/2013 7:41 AM EST
Arbaco, May 22, 2013(HOL) :- Wararka ka imaanaya deegaanka Buusaar oo qiyaastii 40 KM dhanka Bari uga beegaanka Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in goordhaw qarax lala eegtay gudoomiyaha deegaanka Buusaar Mudane Iftiin Xuseen C/laahi, iyadoona qaraxaasi uu ka badbaaday gudoomiyaha.

5/22/2013 3:22 AM EST
Arbaco, May 22, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta ka doodaan mooshin ka dhan ah xukuumadda Soomaaliya kaasoo dhawaan la horgeeyay baarlamaanka, inkastoo xubno ka mid ah kuwii saxiixay ay sheegeen inay ka la laabteen go’aankooda.