4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 21, 2013
Guddoomiye Cusub oo loo doortay Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay iyo Khilaafkii Maamulka Gobolka oo la xalliyay

Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Degmada Buurhakabo ee gobolka Bay yaa maanta loo doortay guddoomiye cusub kaasoo lagu magacaabo, Axmed Maxamed Yuusuf oo loo yaqaano (Axmed Layaab), doorashada ayaa waxaa kasoo goobjoog ka ahaa wafuud ka socatay wasaaradda arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka ee dowladda Soomaaliya iyo madaxda maamulka Bay, waxaa kaloo goob-joog ka ahaa ahaa madxda AMISOM iyo ugaasyada Digil iyo Mirifle.

Doorashada ayaa waxaa ku tartamayay shan ruux oo ah aqoonyahanno ka tirsan degmada Buurhabaka oo ka mid ah degmooyinka gobolka Bay ee ay dowladda Soomaaliya gacanta ku hayso, iyadoo uu ku guuleystay mas’uulka la doortay ee Axmed Layaab.

Magaalada Buurhakabo ayaa tan iyo markii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Xarakada Al-shabaab waxay ahayd mid aan lahayn laga amar-qaato iyadoo ay jireen laba guddoomiye oo is-magacaabay.

Dhanka kale, degmada Baydhabo ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay maanta khilaaf u dhexeeyay guddoomiyaha gobalka Bay iyo ku xigeenkiisa, taasoo qayb weyn ay ka qaateen nabaddoonnada iyo waxgardka magaalada, iyadoo heshiiskan uu ka dhacay xarunta maamulka Baydhabo.

Nabaddoonnada Digil iyo Mirifle ayaa mar waliba waxay u taagan yihiin inay xaliyaan khilaafyada soo dhexgala mas’uuliyiinta Masuuliyiinta Gobalka bay oo dhawaanahan ahaa mid cirka isku sii shareeraya.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socda shirkii maamul u sameynta gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya, iyadoo magaalada ay ku soo qul-qulayaan mas’uuliyiin fara badan oo doonaya inay qayb ka qaataan sidii lagu dhisi lahaa maamulkan.

Shirkaas ayaa waxuu galay qaybtiisii labaad, iyadoo ay jiraan wafdi ka yimd gobollada Jubbooyinka oo dhawaan laga dhisay maamul aysan dowladda Soomaaliya aqoonsanayn, kuwaasoo ka biyo diidsnaa maamulka Jubaland.

Hiiraan Online, Baydhabo