4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 21, 2013
Midowga Yurub oo Somaliland ku Casuumay Shir ay Qabanayaan iyo kulan ay yeesheen safiirka EU-da iyo Siilaanyo (SAWIRRO)


Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso.

Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay inuu Somaliland ku casuumeen shir caalami ah oo ka dhici doono xarunta midowga yurub ee Belgium, isla markaana Somaliland ka caawin doonaan dhinacyada dhaqaalaha.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa isna ka hadlay kulankaasi uu safiirku la yeeshay madaxweynaha, waxaanu sheegay inay madiwga yurub ka tallogalisay shirka ka dhacay Belgium, isla markaana aanay sidii shirkii London gabogabadii lagu soo wargalin, waxaanu xusay inay xukuumad ahaan ka tashan doonaan inay ka qaybgalaan shirkaasi.

Waxaanan ka wada hadlnay guud ahaan cilaaqaadka ka dhaxeeya midowga Yurub iyo dawladda Somaliland. Waxa kale oo aanu maanta ka wada hadalnay hindise cusub oo ah barnaamij midowga Yurub uu mucaawimooyinka uu siiyo dalal badan oo Afrikaan ah u isticmaali doono oo dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba uu midowga Yurub ka caawiyo.”ayuu yidhi wasiirka Arimaha dibada Somaliland oo ka hadlayey waxyaalaha ay ka wada hadleen safiirka.

“Waxaanu ku faraxsan nahay sidii horeba caadada u ahayd in midowga Yurub uu si toos ah ula shaqaynayo dawladda Somaliland. Sida dalalka kale ee yuruba ay noola shaqeeyaan. Wixii muwaacimo ah ee la ina siinayaana ay ku dhisnaan doonto qorshaha qaran ee dalkani leedahay. Arrimahaasi si wanaagsan oo balaadhan baanu iskugu afgaranay,”ayuu Wasiirku sii raaciyey hadalkiisa.

 

Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay in caalamku cashar ka qaateen diidmadii ay Somaliland ka muujisay ka qaybgalka shirkii London, isla markaana shir kasta laga talogalinayo ka hor inta aan la bilaabin.

“shirkaasi waa mid uu midowga yurub nagu casuumay, waana mid aanu ka wada hadli doono oo wakhti dheer baa hadhay, sidii shirkii london inta wax walba la soo dhameeyey maalintii u dambaysay Somaliland loogu yeedhay maaha, arrintaasi cashar bay dunida siisay, Somaliland waa dal lagu talo gali karo oo lagaga tashanayo arrimaha saameynta ku leh sida wadamada jaarka ah, waana ka tashan doonaa waxaana ka qaadan doonaa go’aan”ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi oo ka hadlayey inay ka qaybgalayaan shirkaasi iyo in kale.

Dhinaca kale, danjire Michele Cervone d’Urso oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inuu madaxweynaha uga mahad celinayo sidii ay iskugu afgarteen iskaashiga Somaliland iyo midowga yurub sadexda sanadood ee soo socda.

“waxaanu madaxweyne Siillaanyo kulan kula yeeshay heshiishka cusub ee gargaarka midowga yurub iyo sidii aanu xukuumadda Somaliland ula shaqayn lahayn, waxaana kulan ku qaban doono xarunta midawga Yurub Brussels ee wadanka Belgium, Somaliland waxay noo muujisay inay ka qaybqaadato kulankaasi”ayuu yidhi Safiirka midowga Yurub oo ka hadlayey kulankaasi uu madaxweynaha la yeeshay.

Safiirku wuxuu sheegay in mashaariicda ay ka fuliso Somaliland loo hirgelin doono hadba daruuriyaadka Somaliland u dejiso.


 

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland