3/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 21, 2013
Golaha Salaadiinta Soomaaliyeed oo Muqdisho ka furtay Xarun Taageerana u Muujiyay Xukuumadda Somalia (SAWIRRO)


Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Kulan ay salaadiinta Soomaaliyeed maanta ku yeesheen Muqdisho ayaa lagu furay xarun cusub, iyadoo sidoo kalena ay goluhu taageero u muujiyeen xukuumadda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo mooshin laga geeyay baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka socday gobolka Banaadir, guddoomiyaha degmada Howlwadaag, siyaasiyiin, aqoonyahanno, salaaddiin iyo dadweyne lagu casuumay, iyadoo mas’uuliyiintii kulankaas ka qaybgalay ay soo dhaweeyeen xarunta cusub ee golaha salaadiinta Soomaaliyeed ay ka furteen magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin u hadlay dowladda Soomaaliya ayaa ballanqaaday inay si hoose ula shaqeyn doonaan golaha salaaddiinta Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay Muqdisho, iyadoo ka dalbaday inay dib ugu soo celiyaan shanti qaybtooda ee ay ka kooban tahay Soomaaliya, isla markaasna ay dadaal u galaan sidii dib loogu soo celin lahaa nabadda Soomaaliya.


Guddoomiyaha golaha salaaddiinta Soomaaliya, Boqor Faarax Cabdi Guure, ahna boqorka beesha Jareerweyne oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii ay qayb weyn uga qaadan lahaayeen nabdeynta Soomaaliya, ayna la fariisanayaan qeybaha kala duwan ee Soomaalida oo uu sheegay inay ka dhaadhicin doonaan inay ka shaqeeyaan sidii nabadda dalka loo sugi lahaa.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaare Saacid iyo xukuumaddiisa ayaa sheegay in xildhibaannada looga baahan yahay in fikirkooda keliya uusan noqon wax dumin, balse uu noqdo mid ay wax ku dhisayaan, dalkana ay u horseedaan nabad iyo xasilooni waarta.

“Xukuumaddu waxay jirtaa muddo lix bilood ah, mana wanaagsana in hadda laga keeno mooshin, waayo xukuumad kasta marka ay jirto muddo kooban haddii mooshin laga keeno ma dhacayso inay wax qabsoomaan,” ayuu yiri Boqor Faarax.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha salaadiinta Soomaaliyeed wuxuu tilmaamay in ummadda Soomaaliyeed ay deeqdo nabad oo keliya loona baahan yahay in laga shaqeeyo sidii ay nabaddaas ku hirgeli lahayd, isagoo dowladda Somalia ugu baaqay inay ku garab-istaagaan howlaha nabadeynta ah ee salaadiiintu ay wadaan.


 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/21/2013 3:21 PM EST
Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Degmada Buurhakabo ee gobolka Bay yaa maanta loo doortay guddoomiye cusub kaasoo lagu magacaabo, Axmed Maxamed Yuusuf oo loo yaqaano (Axmed Layaab), doorashada ayaa waxaa kasoo goobjoog ka ahaa wafuud ka socatay wasaaradda arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka ee dowladda Soomaaliya iyo madaxda maamulka Bay, waxaa kaloo goob-joog ka ahaa ahaa madxda AMISOM iyo ugaasyada Digil iyo Mirifle.

5/21/2013 12:14 PM EST
Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso.

5/21/2013 9:44 AM EST
Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Bannaanbax lagu taageerayay xukuumadda Soomaaliya laguna dalbanayay in la joojiyo mooshinka ay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ka gudbiyeen xukuumadda ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

5/21/2013 9:00 AM EST
Xaflad lagu soo bandhigay hidihii iyo dhaqankii soo jireenka ahaa ee Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay hotelka Liaco Regecny ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

5/21/2013 8:07 AM EST
Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa ka hadlay maanta howlgallo ay booliiska dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka wadaan Muqdisho, kuwaasoo lagu soo qabqabtay boqollaal qof oo u badan dhallinyaro.

5/21/2013 7:57 AM EST
Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Hay’adda shaqada adduunka ee ILO ayaa maanta ka furtay magaalada Muqdihso kallan looga hadlayo horumarinta ganacisga Haweenka Soomaaliyeed, kaasoo dib loogu eegayo horumarada laga sameeyay ganacsiyo yar-yar oo horay loogu furay haween danyar ah oo Soomaaliyeed.

5/21/2013 7:04 AM EST
Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Marka laga soo tago howlgalka ciidamada maamulka gobollka Hiiraan ay ka wadaan xaafaddaha magaalada Baladweyne, dhinaca waxaa soconaya kulamo kula duwan oo ay leeyihiin mas'uuliyiinta maamulka gobollka, saraakiisha ciidamada Jabuuti iyo odayaasha beellaha dega gobollka Hiiraan kuwaasoo qeyb ka ah dadaal ballaaran oo maamulka iyo saraakiisha AMISOM ugu jiraan 22 sano kadib in bulshadu kaalin ku yeellato sugida amniga.

5/21/2013 7:01 AM EST
Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa sheegay inuu madaxweynaha Soomaaliya dhaawacay qodobadii Somaliland iyo Soomaaliya ku heshiiyeen shirkii Ankara ee Turkiga.

5/21/2013 2:04 AM EST
Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Xildhibaanno ka mid ah kuwii mooshinka ka geeyay xukuumadda Soomaaliya ayaa qaarkood sheegay inay ka laabteen go’aankaas, iyagoo xusay inay u tanaasuleen danta dalka, dadka iyo diinta Islaamka oo ay u dhaarteen inay ilaalinayaan.