4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 21, 2013
Bannaanbax lagu Taageerayo Xukuumadda Federaalka Somalia oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Bannaanbax lagu taageerayay xukuumadda Soomaaliya laguna dalbanayay in la joojiyo mooshinka ay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ka gudbiyeen xukuumadda ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Boqolaal qof oo dibadbaxan ka qaybqaadanayay ayaa ku dhawaaqayya erayo ay ku taageerayaan xukuumadda ayna uga soo horjeedeen mooshinka laga gudbiyay, waxaana dibadbaxayaashu ay u badnaayeen haween iyo caruur yaryar.

“Ma doonayno kuwo doonaya inay dalka burburiyaan, xukuumaddu waa mid howlo waaweyn oo muuqda ka qabatay dalka iyo magaalada Muqdisho, waxaan u aragnaa mooshinka kaga keenay mid lagu diiddan yahay horumar ay xukuumaddu sameysay,” ayay yiraahdeen haween dibadbaxa ka qayb-qaadanayay oo la hadlay warbaahinta.

Dibadbaxayaasha ayaa waxay wateen boorar ay ku qoran yihiin erayo ay ka mid yihiin: [Waxaan taageeraynaa kuna qanacsannahay dowladda Somalia] iyo erayo kale oo ay ka mid ahaayeen waa in la joojiyo mooshinka ka dhanka ah xukuumadda.


“Waxaan kasoo horjeednaa kuwa doonaya inay ka horyimaadaan horumarka ay xukuumaddu ku tallaabsatay, waxaana ka codsanaynaa xildhibaannadii mooshinka keenay inay ka laabtaan go’aankooda,” ayay yiraahdeen qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo ku qalinayay waa in xukuumadda la garab istaago si ay howsheeda u gudato.

Lama oga ciddii soo qabanqaabisay dibadbaxan, waxaase dadka goobta ku sugnaa ka muuqday qiiro ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan in carqalad la geliyo howlaha xukuumadda iyo dowladda Soomaaliya oo ay ku sheegeen inay tahay mid wax wanaagsan qabatay muddadii yarayd ee ay jirtay.

Bannaanbaxan ayaa wuxuu kusoo beegmay xilli xildhibaanno ka tirsan golaha baarlamaank Soomaaliya ay mooshin ka dhan ah xukuumadda u gudbiyeen baarlamaanka kaasoo ay saxiixeen 129 xubnood, inkastoo qaar ka mid ah ay sheegeen inay ka laabteen go’aankoodaas.

Ma jiro weli hadal kasoo baxay dhinaca xukuumadda Soomaaliya oo ah sida ay u arago mooshinka laga gudbiyay oo guddoonka baarlamaanka Somalia uu sheegay inuu yahay mid sharci ah oo buuxiyay shuruudihii loo baahnaa oo dhan.




 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya