3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 21, 2013
Afhayeenka AMISOM oo ka Warbixiyay Howlgallo Dad badan lagu soo qab-qabtay oo ka socda Muqdisho (SAWIRRO)


Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa ka hadlay maanta howlgallo ay booliiska dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka wadaan Muqdisho, kuwaasoo lagu soo qabqabtay boqollaal qof oo u badan dhallinyaro.

Col. Cali Aadan Xumad oo saxaafadda kula hadlay xarunta AMISOM ay ku ay ku leedahay Muqdisho ayaa sheegay in howgalladan ay yihiin kuwo amniga guud ee caasimadda lagu adkeynayo, wuxuuna sheegay inay guri-guri u geli doonaan guryaha ku yaalla Muqdisho.

“Howlgalladan waa kuwo lagu doonayo in lagu adkeeyo ammaanka Muqdisho maadaama Al-shabaab markii looga adkaaday dagaallada tooska ah ay billlaabeen inay dadka argagax geliyaan oo ay falal ammaan-darro abuuraan,” ayuu yiri afhayeenka AMISOM.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in howgalladan ay qayb ka yihiin kuwo ay AMISOM iyo dowladda Soomaaliya kawaddo guud ahaan dalka Soomaaliya, si amaanka salka loogu dhigo.

“Go’aankan lagu baarayo xaafadaha Muqdisho waa mid ay gaareen AMSIOM iyo dowladda Soomaaliya, waxaana lagu qabanayaa cid walba oo loo arko in ay ammaanka liddi ku tahay, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan amni ay ku mari karaan meeshii ay doonaan,” ayuu yiri Col. Xumad.
 

Booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waxay shalay iyo maanta ka wadeen howgallo lagu soo qabqabtay boqolaal qof degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo howgalladii maanta la sheegay in lagu soo qabqabtay in ka badan 500 oo qof oo u badan dhallinyaro.

Degmooyinka howgallada laga sameeyay maanta ayaa waxay kala yihiin: Hodan, Wardhiigley iyo Dayniile, waxaana dadka lagu soo qabqabtay howgallada lagu xiray xarunta CID-da Muqdisho iyo taliska nabadsugidda gobolka Banaadir.

Dhanka kale, Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in howgallo noocan oo kale ah ay ka socdaan Jubbooyinka, Bay iyo Hiiraan, kuwaasoo la xiriira kuwa ka socda Muqdisho laguna xoojinayo nabadda deegaannadaas.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/21/2013 3:21 PM EST
Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Degmada Buurhakabo ee gobolka Bay yaa maanta loo doortay guddoomiye cusub kaasoo lagu magacaabo, Axmed Maxamed Yuusuf oo loo yaqaano (Axmed Layaab), doorashada ayaa waxaa kasoo goobjoog ka ahaa wafuud ka socatay wasaaradda arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka ee dowladda Soomaaliya iyo madaxda maamulka Bay, waxaa kaloo goob-joog ka ahaa ahaa madxda AMISOM iyo ugaasyada Digil iyo Mirifle.

5/21/2013 12:14 PM EST
Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso.

5/21/2013 12:07 PM EST
Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Kulan ay salaadiinta Soomaaliyeed maanta ku yeesheen Muqdisho ayaa lagu furay xarun cusub, iyadoo sidoo kalena ay goluhu taageero u muujiyeen xukuumadda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo mooshin laga geeyay baarlamaanka Soomaaliya.

5/21/2013 9:44 AM EST
Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Bannaanbax lagu taageerayay xukuumadda Soomaaliya laguna dalbanayay in la joojiyo mooshinka ay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ka gudbiyeen xukuumadda ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

5/21/2013 9:00 AM EST
Xaflad lagu soo bandhigay hidihii iyo dhaqankii soo jireenka ahaa ee Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay hotelka Liaco Regecny ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

5/21/2013 7:57 AM EST
Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Hay’adda shaqada adduunka ee ILO ayaa maanta ka furtay magaalada Muqdihso kallan looga hadlayo horumarinta ganacisga Haweenka Soomaaliyeed, kaasoo dib loogu eegayo horumarada laga sameeyay ganacsiyo yar-yar oo horay loogu furay haween danyar ah oo Soomaaliyeed.

5/21/2013 7:04 AM EST
Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Marka laga soo tago howlgalka ciidamada maamulka gobollka Hiiraan ay ka wadaan xaafaddaha magaalada Baladweyne, dhinaca waxaa soconaya kulamo kula duwan oo ay leeyihiin mas'uuliyiinta maamulka gobollka, saraakiisha ciidamada Jabuuti iyo odayaasha beellaha dega gobollka Hiiraan kuwaasoo qeyb ka ah dadaal ballaaran oo maamulka iyo saraakiisha AMISOM ugu jiraan 22 sano kadib in bulshadu kaalin ku yeellato sugida amniga.

5/21/2013 7:01 AM EST
Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa sheegay inuu madaxweynaha Soomaaliya dhaawacay qodobadii Somaliland iyo Soomaaliya ku heshiiyeen shirkii Ankara ee Turkiga.

5/21/2013 2:04 AM EST
Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Xildhibaanno ka mid ah kuwii mooshinka ka geeyay xukuumadda Soomaaliya ayaa qaarkood sheegay inay ka laabteen go’aankaas, iyagoo xusay inay u tanaasuleen danta dalka, dadka iyo diinta Islaamka oo ay u dhaarteen inay ilaalinayaan.