4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 20, 2013
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Meel-mariyay qodobbo ay soo jeediyeen guddiga Maaliyadda Baarlamanaka

Isniin, May 20, 2013 (HOL) — Xildhibaanada baarlamaanku Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen xaruntooda Muqdisho waxay ku ansixiyeen 15-qodob oo ay soo gudbiyeen guddiga maaliyadda baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka ahaa in wasaaradda maaliyaddu ay soo gudbiso heshiisyadii ay la gashay shirkadaha shisheeye oo ay ku jirto shirkadda SKA oo ka howlgasha garoonka diyaaradaha Muqidsho.

Kulanka oo ay soo xaadireen 152 mudane ayaa waxaa shir-goddoominayay ku xigeenka koowaad ee guddoomiyaha baarlamaanka, Jeylaani Nuur Iikar, waxaana shirku uu ku billowday dood laga yeeshay xisaab-xirkii miisaaniyadii dowladda ee saddexdii bilood ee sannadkii hore ugu dambeysay.

Doodda ayaa waxaa la iskula gartay inay sii socoto ka doodista miinsaaniyaddii ay dowladda Soomaaliya isticmaashay saddexdii bilood ee ugu dambeysay sannadkii hore ee 2012; kaddibna cod loo qaado.

Intaas kaddib ayaa guddiga maaliyadda baarlamaanku waxay soo jeediyeen 15-qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen in la joojioy canshuur dhaafka laga qaado garoonka diyaaradaha iyo dekedda Muqdisho, in dhaqaalaha soo gala dowladda lagu shubo bankiga dhexe, lana joojiyo shirkadaha xawaaladaha ee lagu shubayo iyo in wasaaradda maaliyadda ay soo gudbiso dhammaan heshiisyadii ay la gashay shirkadaha shisheeye iyo kuwa caalamiga ah.

Soo-jeedinta guddiga kaddib ayaa wuxuu guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka uu cod gacan-taag ah geliyay qodobbada 15-ka ah ee ay soo jeediyeen guddiga doorashada, iyadoo 146 mudane oo ka mid ahaa kuwii kulanka ku sugnaa ay ogolaadeen qodobbada inay noqdaan kuwo ku fadhiya sharci baarlamaan.

Ugu dambeyn, Jeylaani Nuur Iikar oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in 15-ka qodob ee guddiga maaliyadda ay wixii maanta ka dambeeya noqdeen kuwo sharci ah, iyadoo laga doonayo wasaaradda maaliyadda iyo hay’adaha kale ee ay quseyso inay ku dhaqmaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya