3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 20, 2013
Hoobiyeyaal xalay Gellinkii Dambe ku Dhacay Xaafado ku Yaalla Agagaarka Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

Isniin, May 20, 2013 (HOL) — Hoobiyeyaal ka badan 10 ayaa xalay ku dhacay xaafado ku dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo aan la sheegin wax khasaare ah oo ay dhaliyeen duqeymahaas.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo lagu qaado madaxtooyada Soomaaliya tan iyo markii uu dhashay sannadkan, iyadoo aysan jirin wax war ah oo kasoo madaxtooyada iyo laamaha ammaanka dowladda.

“Duqeymuhu waxay dhaceen gellinkii dambe ee xalay, waxaana dhowr hoobiye ay kusoo dhaceen xaafado ku dhow madaxtooyada, ma maqal wax khasaare ah oo ay geysteen,” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi oo a mid ah dadka deggen xaafadaha ku dhow madaxtooyada.

Ma jirto cid sheegatay inay weerarkaas ka dambeysay, balse weerarro sidan oo kale ah oo tan iyo sannadkii hore lagu qaadayay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa mas’uuliyaddooda sheegan jirtay Al-shabaab.

“Xalay aad ayaan u baqnay, waayo hoobiyeyaal ayaa xaafadeenna kusoo dhacay, ma garanayno meel laga soo tuurayay,” ayay tiri Raxmo C/lle oo ka mid ah dadka ku nool degmada Wardhiigley, gaar ahaa xaafadaha ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Weerarkan ayaa wuxuu kusoo xilli madaxda dowladda Somalia ay sheegtay inay wax ka qabanayaan ammaan-darrada ka jirta Muqdisho, taasoo ay u diyaariyeen 1,000 askari oo gaar ah.

Magaalada Muqdisho ayaa xasilloonayd toddobaadyadii ugu dambeeyay, iyadoo tani ay mar kale hoos u dhigayso rajadii shacabku ay ka qabeen in la adkeeyo ammaanka caasimadda Soomaaliya si ay nabad u helaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/20/2013 3:29 PM EST
Isniin, May 20, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Gaana, John Dramani Mahama ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu dowladda Soomaaliya ka taageero sidii lagu soo celin lahaa nabadda iyo deggenaashaha Soomaaliya kaddib 22-sano oo colaado ah.

5/20/2013 8:03 AM EST
Isniin, May 20, 2013 (HOL) — Xildhibaanada baarlamaanku Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen xaruntooda Muqdisho waxay ku ansixiyeen 15-qodob oo ay soo gudbiyeen guddiga maaliyadda baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka ahaa in wasaaradda maaliyaddu ay soo gudbiso heshiisyadii ay la gashay shirkadaha shisheeye oo ay ku jirto shirkadda SKA oo ka howlgasha garoonka diyaaradaha Muqidsho.

5/20/2013 7:34 AM EST
Isniin, May 20, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlayay ammaanka ayaa maanta ka dhacay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo kulankan ujeeddadiisu ay ahayd sidii dhallinyarada uga qayb-qaadan lahaayeen adkeyn ammaanka degmada Yaaqshiid iyo guud ahaan gobolka Banaadir.

5/20/2013 7:05 AM EST
Isniin, May 20, 2013 (HOL) — Waxaa dib loo dhigay wakhtiga ay Puntland ka qabsoomi doonto doorashada goleyaasha deegaanka, kaasoo horay ay guddiga KMG ah ee doorashooyinku shaaciyeen inuu ku beegan yahay 30-ka bisha soo socota ee Juun.

5/20/2013 3:30 AM EST
Isniin, May 20, 2013 (HOL) — Saddex xaafadood oo ka tirsan magaalada Birmingham oo ah caasimadda labaad ee Britain ayaa xaflado lagu kala taageerayo saddex madaxweyne oo ka mid ah madaxweynayaasha kaga dhawaaqay Kismaayo inay hoggaan u yihiin maamulka cusub ee Jubaland.