4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 19, 2013
Shir Hordhac ah shir looga hadlayo Maal-gashiga Soomaaliya oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Axad, May 19, 2013 (HOL) — Shir hordhac u ah shirweyne looga hadlayo maalgashiga Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo shirkan ay kasoo qayb-galeen mas'uuliyiin ka socotay Rugaha ganacsiga Soomaaliya iyo Kenya.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlay sidii loo horumarin lahaa ganacsiga dalka iyadoo uu hordhac u yahay shirweyne ay SORIC ku qabanayso 28-29 bishan May magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo shirka maanta lau soo qaaday sidii Soomaaliya looga abuuri lahaa fursado maal-gashi oo caalami ah.

Madaxa SORIC, Xasan Nuur oo shirka maanta ka hadlay ayaa sheegay in fikirkan iyo talada ganacsatada Soomaaliyed uu yahay sidii barnaamijkan loo sameyn lahaa, isla markaana isugu imaan lahaayeen rugaha ganacsi ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Xasan Nuur ayaa ugu baaqay Soomaalida inay ka faa'ideystaan dalkooda oo ah dal qani ah, isla markaana ay maalgashi ku sameystaan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in shirkan aanu ahayn mid siyaasadeed, balse uu yahay mid ay dadka Soomaaliyeed leeyihiin, isagoo xusay in shirkan Nairobi lagu qaban doono kiisa xiga lagu qaban doono magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga dalka Kenya, James oo shirkii maanta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dal la maal-gashan karo, isagoo soo jeediyay in la isku-furo ganacsiga dalalka deriska ah eek u yaalla Bariga Afrika, isla markaana ganacsatada loo ogolaado inay maalgashi ka sameystaan dalalka deriska ah iyagoo aan xayiraad la kulmin.

Mas'uuliyiin ka socday rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo shirka ka hadlay ayaa dhankooda tilmaamay inay muhiim tahay in Soomaaliya maalgashi lagu sameysto, waxayna soo dhaweeyeen inay ka qeyb-galaan shirka lagu qaban doono Nairobi ee looga hadlayo maalgashiga Soomaaliya.

 

Madadax hay'adda Cilmi-baarista iyo wada-tashiga ee CRD, Jibriil Ibraahim Cabdulle oo kulanka ka qeyb-galay ayaa sheegay inay lagama maarmaan u tahay dalka Soomaaliya in maal-gashado, isagoo xusay inay jiraan shirkado waaweyn oo caalamka ku yaalla inay dalka maal-gashadaan, hase ahaatee ay la'yihiin meel ay wax ka billaabaan.

Jabriil Ibraahim wuxuu intaas ku daray inay muhiim tahay in la sameeyo hay'adihii ku shaqada lahaa maalgashiga dalka, isla markaana baarlamaanka uu soo saaro sharciga maal-gashiga, si ay dalka u yimaadaan shirkado dalka maal-gashada una faa'ideeya shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha booliska Soomaaliyed Jen. C/xakiin Daahir Saacid oo kulanka gaba-gabadiisii ka hadlay ayaa ballan-qaaday inay ammaanka sugi doonaan, isla markaana maal-gelinta lagu sameynayo dalka uu qayb weyn ka qaadanayo inay abuurto jawi dadka uga faa'ideystaan inay helaan shaqooyin.

"Shirkan waa shir muhiim ah… waxayna wax ka tari kartaa dhiirri-gelinta sidii amniga lagu sugi lahaa, maalgelinta dalka lagu sameynayo wax weyn ayay xagga nolosha bulshada ka bedeli kartaa, waxaa ballan-qaadeynaa inaan ammaanka culeys saarno," ayuu yiri taliyaha booliska Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, SORIC ayaa ku casuunatay dhammaan ganacsatada Somalia inay kasoo qayb-galaan shirka maal-gashiga ee ka furmaya Nairobi bishan dhammaadkeeda, kaasoo ay markii u horreysay heshiis ku kala saxiixan doonaan rugta ganacsiga Soomaaliyeed iyo rugta ganacsiga Kenya, iyadoo shirkaas ka qayb-galayaan ganacsato iyo maal-gashdayaal caalamka ka kala imaanaya.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya