3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 18, 2013
Dadweynaha Somaliland oo si weyn ugu soo baxay dabaal-dega 18-ka May iyo Ciidammo Dhoolltus ku Maray Hargeysa (SAWIRRO)


Sabti, May 18, 2013 (HOL) — Dadweynaha Somaliland ayaa maanta u dareeray dabaaldega maalinta madaxbanaanidda Somaliland ee 18 May, kaas oo sanad walba laga xuso dalka gudihiisa iyo dibadiisa.
Kumanaankun oo shacabka magaaladda Hargeysa, ayaa saaka ku soo kalahay wadada badhtamaha magaladda Hargeysa oo ay socod ku marayeen ciidamada kala duwan ee Somailand, ardayda jamaacadaha, dugsiyada iyo ururada bulshadda oo ay hor socdaan madax dhaqameedka gobolka Maroodi jeex.

Sidoo kale waxa iyaguna goobta la mariyey awr iyo fardo ay ku shaqlan yihiin calanka Somaliland, waxa iyaduna dadka layaab ku abuuray libaax dusha laga huwiyey calanka oo dadweynaha dhexdeedda la soo mariyey taas oo dadka aad ula yaabeen, isla markaana ay ka hadhi waayey gaadhigii lagu siday, inkastoo dad badani naxdin ka qaadeen qaar kalana isku duldaateen markay arkeen libaax weyn oo gaadhi dushii soo fadhiya.

Waxyaalaha kale ee cajiibka ahaa ee indhaha dadweynaha magaaladda Hargeysa ka yaabiyey gaadiidka dadweynaha oo ay ku shaqlan yihiin calanka, kuwaas oo iskugu jiray gaadiidka looyaqaan Basaska iyo takaasiddda, waxa kale oo xusid mudan inay ganacsatada waaweyn iyo shirkadaha wax soo saara madasha ku soo bandhigay siday u taageersan yihiin madaxbanaanidda Somaliland.



Sidoo kale waxa ciidamada  booliska, militariga, taraafikadda, laantasocdaalka iyo kamaandooskooda, ayaa dhamaantood iyagoo cutubyo ah socod gaadis ah ku maray dadweynaha hortoodda, isla markaana madaxweynaha salaan ku siiyey, waxa iyaguna gaadiidkii ciidamada ee gaashaanna oo ay la socdeen Baybayyo iyo gaadiidka gaashaaman ayaa iyaguna socod ku soo maray.

Guud ahaan dadweynaha maanta u dabaaldegayey, ayaa ku labisnaa calanka saddexda midab  leh, kuwaas oo qofkii maanta laga waayo wax astaan ah lagu qaylinayey. Madaxweynaha Somaliland Maxamed Maxamed Maxamuud Sillaanyo ayaa isna khudbad uu kaga hadlayey madaxbaanida Somaliland madasha ka soo jeediyey.

“Beesha caalamka waxaan leeyahay, dadkaygu waxay u tashadeen aayahooda, dalkaygu wuxuu lasoo noqday Madax-banaanidiisi iyo Qaranimadiisii, Somaliland waa xaqiiqo jirta, sax iyo xaq toonana maaha in beesha caalamku iska indho iyo dhago tirto xaqiiqdaa aan hummaaga lahayn”ayuu yidhi madaxweynaha oo baaq u diray beesha caalamka, waxanu intaas ku daray “ Bulshada Somaliland waxay xaq u leedahay “Self Determination” sida Bulshada Caalamka intiisa kale.

Dalkani maaha wax xalay dhashay, wuxuu leeyahay taariikh, waxaa dadkiisii u soo galeen halgan dheer, dedaal-kaas oo ay ku hanti-yeen gobanimadii 1960-kii, gumaystihii dalkooda kaga kiciyey gacmahooda iyagoo Rabi-good la kaashanaya”.

“Midnimada maanta la hadal hayo, dadkanaa horseed u ahaa iyadoo ay niyad wanaag iyo walaalnimo qalbigooda ka buuxdo. Nasiib daro, maalintii la is raacay shan maalmood dabadeedba Midnimadii waa lagu hungoobay, waxaanay ahayd 5tii July markii uu Yusuf Ismaaciil Samatar Gaandhi Khudbad uu jeediyey daboolka kaga qaaday xaqiiqdii Jirtay in ahayd in is-raacii aanu u dhicin sidii laga filayey  Midnimadiina lagu Hungoobay!”.

“Waxay ahayd dhacdo aan la dafiri karin in Dastuurkii laysku raaci lahaa ee Somaliland iyo Somalia ku midoobi lahaayeen dadkii Reer Somaliland ay 90% ugu codeeyeen Maya “NO”, iyagoo Diidmo qayaxan kala hor yimid, balse nasiib daro dhagaha laga furaystay, taasi waxay dhaxalsiisay inqilaabkii dhalinyaradii Saraakiisha ahaa ee reer Somaliland ay Xilligaas sameeyeen. Kaas oo bannaanka soo dhigay tabashadii iyo dareenkii reer Somaliland”ayuu hadalka sii raaciyey.



Madaxweynaha oo taariikhda ka waramaya waxa uu yidhi  Gilgilashadaasi ismay taagin ee waxaa ku xigay Mudaharaadkii Macalimiinta ee loo yaqaanay “Bakayle-qalad” iyo is-casilaadii Wasiiradii reer Somaliland ee Xilka ka hayey xukuumadii Muqdisho. Waxaanay ahayd Nasiib-daro in aan la tix-galin dareenkaa ee sida imikaba caadada u ah Somalia in dad Suuqa jooga oo aan metelin Bulshada Lagu Buuxsado kuraasta, waxay ahayd quustii ay dadka reer Somaliland israacii kaga talax-gabeen”.

“Muddo yar ka dib, waxaa bilaabmay qalalaasihii iyo afgembigii dawladii digteetarka ahayd, cid dambana talo lama waydiin, waxaana lagu war helay iyadoo dadka la isku xidh-xidhay laguna xasuuqay JAZIIRA, ganacsatadii qoorta laysugu dabay oo la dhigay Burco, Malko Durduuro, Kal-sheekh iyo goobo badan oo aan tiro lagu soo koobi Karin.

Waxay ahayd nabar xanuun badan iyo wax naxdin leh, oo aan la ilaawi karin diyaradiihii Hargeysa ka kacayey ee duqaynayey maatadii Hargeysa ay ka baro kiciyeen ilaa intii ay dhaafeyeen xuduudka Ethiopia”ayuu raaciyey, waxaanu ku daray “Waxaan leeyahay madaxda Bulshada Somalia hindisaha Midnimada anagaa keenay nalama khasbin Shalay annagaa Somalinimada dan moodaynay ee waa nala nacsiiyey, anagaa bilaa shuruud iyo is aamin ku tagnay, waa nalagu kalifay in aan idinka aamin  baxno, waanu soo tijaabinay Midnimada Kalsooni dambe naguma hadhin diyaarna uma nihin riyadii beenowday ee 5tii  Somaliyeed”.


“Wax kastoo ay nagu kalifto Madaxbanaanida iyo Qaranimada Somaliland waa lama taabtaan Go’aanka bulshaday ku timi, gummaca mujaahidkay ku dhalatay, gargaarka Eebbey ku dhisan tahay.

Haddaba walaalayaal midnimo hadhay oo 5 Somaliyeed soo noqon mayso ee yaynaan walaalnimada seegin, Somalida Djibouti waa Dawlad Ilahayna h u barakeeyo Dawladnimadooda, Soomalida Kenya Dawladooda wax ha la qabsadaan Ilaahayna ha isu barakeeyo, Soomalida Ethopia  Dawladooda wax ha la qaybsadaan Illahayna ha isu barakeeyo. Somaalilandna halkeeda Alle ha u barakeeyo, dhammaanteen walaalo iskaashada aan ahaano sida walaalaha carbeed.

Waxaynu dhidibada u taagnay qaran dimuqraadi ah, oo ku dhisan nidaamka axsaabta badan. Madax banaanida Garsoorka, Golayaasha sharci dejinta iyo xukuumada kaas oo ku salaysan mabadiida Caalamiga ah ee dhawrista xuquuqda aadamaha, Maamul wanaaga, Horumarka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.
Nabad galyada, Midnimada ummada iyo difaaca qaranimadu waa aasaaska dawladnimada, waxaan salaan, bogaadin iyo mahad naq u soo jeedinaya Ciidmada kala duwan ee hadh iyo habeen utaagan illaalinta nabad gelyada iyo difaaca qaranimada dalka.

Waxaan taa mid la mid ah u soo jeedinayaa wax-garadka, madax-dhaqameedka, Culimada, Dhalinyarada haweenka iyo dhammaan muwaadiniinta ku garab taagan gudashada xilkooda.

Waxaan ugu baaqaya Shacabka reer Somaliland inay isu taagaan dib u dhiska iyo horumarka dalkooda, inay dhexda u xidhaan una midoobaan ka difaaca gobanimadooda, cadawga gudaha iyo ka Dibeda.
Waxaan ugu baaqayaa inay dhawrtaan sharaftooda, gobanimadooda, dhaqankooda iyo diintooda, marxalad kasta oo ka hortimaadana ay kaga gudbaan wadajir iyo midnimo”.

Si kastaba ha ahaateee, dadweynaha magaaladda Hargeysa ayaan xalay seexan, iyagoo baabuur sameecado lagu xidhay ay la wareegay, isla markaana baabuurka xaga sare ka laalaadan, waxaanay ilaa maanta wareegayey wadooyinka magaaladda dhexdeedda kuwaas oo halisgalinayey dhalinyarada ka lusha baabuurta xageega sare, haseyeeshee ciidanka booliska oo doonayey inuu yareeyo shilal ka dhaca magaalada maadaama oo dhalinyaradu baabuurta yaryar xaga sare iyo daaqadaha ka lushaan, balse dhalinyaradu dhegma uma dhigin.

Guud ahaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayaa si weyn loogu xusay 18 May, waxaanay dadweynaha wajigooda ka muuqday shucuur wadaninimo.


















Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.













Click here
5/18/2013 10:18 AM EST
Sabti, May 18, 2013 (HOL) — Xubno ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan uu horkacayo guddoomiyaha maamulka gobollka Cabdi Faarax Laqanyo ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay kormeer ku tagay deegaanno ka baxsan magaalada Baladweyne iyaga oo u kuur-galaya xaalada nabad-galyo iyo tan nolalleed deegaannada gobollku ka kooban yahay.

5/18/2013 9:13 AM EST
Sabti, May 18, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrimaha ka taagan Jubbooyinka, isagoo sheegay in waxyaabaha ka taagan ay qayb ka yihiin waxyaabihii ay muddada ka digaysay dowladda.

5/18/2013 8:36 AM EST
Sabti, May 18, 2013 (HOL) — Munaasibado iska soo horjeeda ayaa maanta ka dhacay gobolka Sool iyo deegaanka Cayn ee Buuhoodle, kuwaasoo dhamaantood ahaa kuwo lagu xusayay 18-ka May.

5/18/2013 4:19 AM EST
Sabti, May 18, 2013 (HOL) — Wafdigii ka socday urur-goboleedka ee ku sugnaa Muqdisho ayaa lagu wadaa inay maanta gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ay ka billaabi doonaan howl ay ku indho-indheynayaan xaaladda ka jirta magaaladaas.

5/18/2013 3:55 AM EST
Sabti, May 18, 2013 (HOL) — AMISOM ayaa muujisay mowqifka ay ka taagan yihiin maamullada looga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kuwaasoo u muuqda inay iska soo horjeedaan.