3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 18, 2013
Munaasabado iska soo Horjeeda oo ka dhacay Gobolka Sool iyo Deegaanka Cayn ee Degmada Buuhoodle
Sabti, May 18, 2013 (HOL) — Munaasibado iska soo horjeeda ayaa maanta ka dhacay gobolka Sool iyo deegaanka Cayn ee Buuhoodle, kuwaasoo dhamaantood ahaa kuwo lagu xusayay 18-ka May.

Maamulka Somaliland ee gobolka Sool oo illaa shalay gellinkii dambe ku mashquulsanaa sidii ay ammaanka Laascaanood gacanta ugu hayn lahaayeen ayaa munaasabad ay ku xusayaan maalinta ay sheegeen inay ka go'een Soomaaliya inteeda kale ku qabtay xarunta gobolka Sool.

Masuuliyiin kala duwan oo ka mid yahay wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta Somaliland, Axmed Cabdi Xaabsade ayaa kula hadlay dadkii halkaasi isugu yimid, iyagoo ka hadlay muhiimadda ay 18-ka May u leedahay maamulkooda.

Waddooyinka magaalada Laascaanood ayaa ciidammo kala duwan la dhoobay intii ay xafladaas socotay taasoo lagu xakamaynayay isku soo bax ay sameeyaan bulshada deegaanka oo iyaguna maalmahan u diyaar-garoobayay munaasabadda 18-ka May oo sanadkii 2005-tii uu  duqii degmada Laascaanood, Dr. C/rashiid Barkhadle u asteeyay inay noqoto maalinta nadaafadda degmada.

Dugsiya hoose iyo kuwa dhexe ee magaalada Laascaanood ayaa la dhiganayay maanta taasoo qayb ka dhigtay in hoos u dhac uu ku yimaado cabsidii laga qabay inay dhallinyaradu billaabaan rabshado ka dhan ah maamulka Somaliland.

Shacabka magaalada Laascaanood ayaa weli wada sidii ay u billaabi lahaayeen xuska maalinta nadaafadda iyagoo meelaha qaarkood lagu arkayo dadkii howshaas qaban lahaa.

Dhinaca kale, magaalooyinka Buuhoodle, Taleex, Xudun, Boocame iyo degeaannada hoos yimaada ayaa wararku sheegayaan in saaka laga billaabay ololihii nadaafadeed ee ugu balaarnaa abid.

Jidadka magaalada Buuhoodle oo ah magaalada ugu dadka badan deegaanada uu ka taliyo maamulka Khaatumo ayaa waxaa camiray dadweyne iyo gaadiidka dadweynaha oo daad-gureynaya qashin laga ururiyay magaalada.

Si kastaba ha ahaatee, munaasabadahan isku lidka ah ayaa sannad kasta sababa iska-horimaadyo khasaare geysan oo intooda badan ka dhaca maagaalada Laascaanood; waxaana la eegayaa saacadaha ka haray iyo sida ay ku dambayso.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool












Click here
5/18/2013 10:18 AM EST
Sabti, May 18, 2013 (HOL) — Xubno ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan uu horkacayo guddoomiyaha maamulka gobollka Cabdi Faarax Laqanyo ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay kormeer ku tagay deegaanno ka baxsan magaalada Baladweyne iyaga oo u kuur-galaya xaalada nabad-galyo iyo tan nolalleed deegaannada gobollku ka kooban yahay.

5/18/2013 9:13 AM EST
Sabti, May 18, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrimaha ka taagan Jubbooyinka, isagoo sheegay in waxyaabaha ka taagan ay qayb ka yihiin waxyaabihii ay muddada ka digaysay dowladda.

5/18/2013 8:42 AM EST
Sabti, May 18, 2013 (HOL) — Dadweynaha Somaliland ayaa maanta u dareeray dabaaldega maalinta madaxbanaanidda Somaliland ee 18 May, kaas oo sanad walba laga xuso dalka gudihiisa iyo dibadiisa. Kumanaankun oo shacabka magaaladda Hargeysa, ayaa saaka hiirtii waaberi ku soo kalahay wadada badhtamaha magaladda Hargeysa oo ay socod ku marayeen ciidamada kala duwan ee Somailand, ardayda jamaacadaha, dugsiyada iyo ururada bulshadda oo ay hor socdaan madax dhaqameedka gobolka Maroodi jeex.

5/18/2013 4:19 AM EST
Sabti, May 18, 2013 (HOL) — Wafdigii ka socday urur-goboleedka ee ku sugnaa Muqdisho ayaa lagu wadaa inay maanta gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ay ka billaabi doonaan howl ay ku indho-indheynayaan xaaladda ka jirta magaaladaas.

5/18/2013 3:55 AM EST
Sabti, May 18, 2013 (HOL) — AMISOM ayaa muujisay mowqifka ay ka taagan yihiin maamullada looga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kuwaasoo u muuqda inay iska soo horjeedaan.