4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 18, 2013
Wafdi ka socda IGAD oo Magaalada Muqdisho ku sugnaa oo lagu wado inay Maanta Gaaraan Magaalada Kismaayo
Sabti, May 18, 2013 (HOL) — Wafdigii ka socday urur-goboleedka ee ku sugnaa Muqdisho ayaa lagu wadaa inay maanta gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ay ka billaabi doonaan howl ay ku indho-indheynayaan xaaladda ka jirta magaaladaas.

Wafdigan oo ah guddi xaqiiqo-raadin ayaa waxaa hoggaaminaya xoghayaha guud ee IGAD, Inj. Maxbuub Macallin, waxayna Muqdisho kulammo kula qaateen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra'iisul wasaaraha, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Xubnaha wafdigan ayaa la sheegay in marka ay Kismaayo tagaan ay kula kulmi doonaan waxgarada deegaanka, iyagoo sidoo kalena kulammo la yeelan doona siyaasiyiinta degmadaas.

Guddigan oo looga dhawaaqay shirkii horraantii bishan ay madaxda IGAD ku yeesheen Addis Ababa ayaa waxay si aad ah ugu kuurgeli doonaan xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee ka jirta Soomaaliya si ay warbixin ugu gudbiyaan madaxda IGAD oo bishan dhammaadkeeda mar kale ku kulmi doona Addis Ababa.

Booqashada wafdigan ay ku tagayaan magaalo xebeedda Kismaayo ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo magaaladaas looga dhawaaqay laba maamul oo iska soo horjeeda, kuwaasoo ay kala hoggaaminayaan Col. Barre Hiiraale iyo Sheekh Axmed Madoobe oo mid walba uu sheeagnayo inuu isagu yahay madaxweynaha maamulka Jubaland.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa hadda ku sugan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo isugu jira xubno ka socda labada gole ee dowladda Soomaaliya, kuwaasoo isku dayay inay xal u heleen arrimaha siyaasadeed ee magaalada Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu dhawaaqday inaysan raalli ka ahayn maamul laga sameeyo Kisamayo oo aysan dowladdu hormuud u ahayn, waxayna dowladdu ku tilmaantay shirkii lagu dhisay Jubaland mid aan waafaqsanayn dastuurka dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya