4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 18, 2013
AMSIOM oo ka Hadashay Mowqifkeeda ku Aaddan Maamullada kala duwan ee looga dhawaaqay Magaalada Kismaayo
Sabti, May 18, 2013 (HOL) — AMISOM ayaa muujisay mowqifka ay ka taagan yihiin maamullada looga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kuwaasoo u muuqda inay iska soo horjeedaan.

Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud oo ayaa sheegay inay si dhow u eegayaan xaalada ka taagan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ay kuwada sugan yihiin labada madaxweyne oo mid walba uu sheegayo in isaga loo doortay xilka madaxweynenimo ee maamulka Jubaland.

"Arrinta ka taagan Kismaayo si dhow ayaa u la soconnaa, isha ayaana ku haynaa, hadii ay dhacdo dhibaato waxaa diyaar u nahay inaan dhex-galno," ayuu yiri Col. Cali Xumud oo saakay la hadlayay idaacadda VOA-da.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in mowqifka AMISOM uu yahay inay taageerto aragtida siyaasadeed ee dowladda Soomaaliya iyo fikirka ay ka qabto arrinta ka taagan Kismaayo iyo dalka oo dhan.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku sugan ciidammo ka socda Kenya oo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo aan illaa hadda wax faragelin ah ku sameyn maamullada halkaas looga dhawaaqay.

Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) iyo Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa waxay labaduba 15-kii bishan kaga dhawaaqeen magaalada Kismaayo inay yihiin madaxweynayaal loo doortay hoggaanka maamulka Jubaland.

Madaxweynayaashan is-barbar-socda ayaa waxay xaalad cabsi leh geliyeen magaalada Kismaayo, inkastoo aysan wax dhibaato ah dhicin haddana shacabka ku nool magaaladaas waxay farta ku hayaan wadnaha iyagoo baqdin qaba inay dagaallo dhacaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna horay u sheegtay in maamullada looga dhawaaqay Kismaayo ay yihiinn kuwo lagu marin habaabinayo shacabka ku nool Jubbooyinka, waxayna ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM halkaas ku sugan ugu baaqday inaysan faraha la gelin arrimaha socda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya