3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 16, 2013
Axsaab Siyaasadeed oo ku baaqay in Baarlamaanka Soomaaliya loo daayo la Xisaabtanka Xukuumadda (SAWIRRO)

Khamiis, May 16, 2013 (HOL) — Qaar ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee ka jira dalka ayaa maanta kulan ay ku yeesheen hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho waxay kasoo saareen baaq ay ku sheegayaan in in golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo madax-banneeyo la xisaabtan xukuumadda.

Asxaabtan oo kala ahaa: isbaheysiga nabadda Soomaaliyeed, xisbiga Sahan Qaran, Xisbiga Somali Social Unity (SSUP), Naadiga Nabadda iyo Midnimada Soomaaliyeed iyo Midowga Xisbiyada Isbedel doonka ah, kuwaasoo dhammaantood ka dhisan Koonfurta Soomaaliya.

"Markii aan qiimeynay xaaladaha la xiriira amniga, siyaasadda iyo cadaalada ee dalka ka jira waxaan ku baaqaynaa in baarlamaanka Soomnaaliya loo daayo inuu howlihiisa guto uuna la xisaabtamo xukuumadda," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.


Sidoo kale, axsaabta waxay sheegeen in baarlamaanku uu yahay mid matalaya shacabka Soomaaliyeed mooshinka ay keeneenna uu yahay mid ay xaq u leeyihiin si ay uga hortagaan wixii aanay dani ugu jirin dadka, dalka iyo diiinta, wixii dan u ahna uu taageero. Sidaas darteed odayaasha dhaqanku xildhibaannada iyaga ayaa soo xulay waa inay u daayaan shaqadooda ayna ku ekaadaan dhaqanka.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu yiri: "Waxaan ka walaacsan-nahay xaaladda amni xumo ee ka jirta Muqdisho iyo jidadka xir-xiran ee lagu curyaaminayo guud ahaan dhaqaalaha dalka, gaar ahaan nolosha dadka dan yarta ah. sidoo kale xaalada murugsan ee gobolka Shabeellada hoose iyo isbaarooyinka xad-dhaafka ah ee rag ku labisan direyska ciidamada dowladdu ay dhigteen inta u dhexeysa Muqdisho iyo gobolka Shabeelada Hoose."

Intaa kaddib waxaa saxaafadda la hadlay kulankoodana faahfaahin ka siiyey madaxda axsaabta kulankaas ka qeyb-galay, waxaana ka mid ahaa guddoomiyaha isbaheysiga nabadda Soomaaliyeed, Cabdullaahi Sheekh Xasan oo sheegay in xisbiyada siyaasadeed dalka uu xil weyn ka saaran yahay inay qiimeeyaan xaaladda dalku uu marayo midda dadweynaha.

“Baarlamaanka waa hay'adda kaliya ee matasha shacabka Soomaaliyeed metela iyagaa doortay madaxweynaha iyo gudfoomiyaha baarlamaanka, xukuumaddana ansixiyay waxay xaq u leeyihiin inay la xisaabtamaan haddii ay fulin waayaan shaqadii loo diray,” ayuu intaa ku daray C/llaahi Sheekh Xasan.

Sidoo kale, waxaa kulankaas ka hadashay guddoomiyaha naadiga nabadda iyo midnimada Soomaliyeed, Caasho Axmed Cabdalla oo sheegtay in war-saxaafadeedkan uu kusoo aaday xilli ku habboon inay ka hadlaan arrimaha taagan oo mudan in la tilmaamo.

Guddoomiyaha midowga xisbiyada isbedeldoonka Soomaaliyeed, Cali Maxamed Nuux (Timo-jilic) oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu xaq u leeyahay waajibna ku tahay inuu la xisaabtamo xukuumadda, sidaas awgeedna loo baahan yahay in lagu ixtiraamo shaqadiisa.

“Haddii aan ka hadlo arrinta isbaarooyinka madaxweynaha wuxuu ku dhawaaqay in isbaarooyinka la qaado, waa nasiib-darro in ciidamadii dowlada ee la rabay inay amarkaas fuliyaan ay iyagii laftooda isbaaro dhigteen,” ayuu Timajilic hadalkiisa ku daray.





Ugu dambeyn, kulanka waxaa ka hadlay wakiillo metelayay xisbiyada kala ah xisbiga Sahan Qaran iyo xisbiga Somali Social Unity (SSUP) kuwaasoo ka hadlay dhibaatooyinka ka jira dalka iyo waxyaabaha uu ku saabsanaa war-saxaafadeedka ay soo saareen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
5/16/2013 12:08 PM EST
Qaar kamid ah haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ayaa ka horyimid mooshinkii ay baarlamaanka keeneen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

5/16/2013 9:24 AM EST
Arbaco, May 16, 2013 (HOL) — Munaasabad lagu maamusayay 15-ka May oo ah maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed iyo 70-sano guuradii kasoo wareegtay aasaaskii ururka gobonimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL ayaa lagu qabtay magaalada muqdisho, munaasabadaas oo uu soo agaasimeen ururka dhallinyarada SYL II ayaa ahayd mid si heer sare ah loosoo agaasimay.

5/16/2013 9:20 AM EST
Khamiis, May 16, 2013 (HOL) — Dowladda Somalia oo warsaxaafadeed soo saartay maanta ayaa ku tilmaantay maamulka looga dhawaaqay Kismaayo inuu yahay mid lagu marin habaabinayo shacabka, isla markaana ah ka horimaanaya dastuurka.

5/16/2013 8:44 AM EST
Khamiis, May 16, 2013 (HOL) — Shirkii golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ay maanta yeesheen ayaa lagu meel-mariyay qodobbo ay horay u soo gudbiyeen wasaaradaha cadaaladda iyo arrimaha gudaha, sida uu saxaafadda u sheegay wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

5/16/2013 8:01 AM EST
Khamiis, 16 May, 2013(HOL) :-Madaxweeynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee dowladda koonfurta Kuuriya ay usoo dirsatay Soomaaliya Mr. Kim Chan Woo.

5/16/2013 6:40 AM EST
Khamiis, May, 16, 2013 (HOL) -- Munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay laguna maamuusayay 15 May maalinta dhalinyarrada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

5/16/2013 6:24 AM EST
Khamiis, May 16, 2013(HOL) :- Col Barre Aadan Shire (Hiiraale) ayaa shaaciyay in uu yahay madaxweeynaha maamul goboleedka Jubbaland, xilli shalay magaalada Kismaayo lagu doortay gudoomiyihii ururka Raaskaambooni Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe)